Saraakiisha ciidamada oo farriin culus u diray DF iyo Puntland VIDEO

Magaalada Garowe ee xarunta u ah dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee goboladaasi ka howlgala, waxayna kulankooda uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashada Puntland iyo dowladda dhexe ee federaalka ah.

Saraakiil kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa ku booriyay baarlamaanka Puntland inuu doorto shaqsi daacad ah oo matali kara shacabka ku dhaqan goboladaasi, iyagoona si cad u sheegay inaan la dooranin qof aan u naxeynin dadka iyo dalka.

Dhinaca kale saraakiisha ayaa sheegay in wax taageero ah aanay ka helin Dowladda Federaalka, iyagoona sheegay inay ku sugan yihiin ciidamada xaalad daryeel la’aan ah isla markaana muddo dhowr bilood ah ay ka maqan yihiin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe.

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)