Kolonyo la sheegay in la socdeen xubno ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu weeraray qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Xubnahan oo marayay inta u dhexeysa degmada Galhareeri iyo deegaanka Cagacadde ee gobolkaasi ayaa la sheegay in lala beegsaday duqeyn xoogan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Daljire.com u sheegay in kolonyadaasi lala bartilmaameedsaday Gantaalo diyaaradeed.
Waxaana la sheegay in halkaasi ay ku basbeeleen illaa 2 Gaari oo uu mid ka mid ahaa Cabdi Bile oo ay wateen xubnahaasi.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi oo aheyd mid culus.
Illaa iyo hadda oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.
Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Dagaalyahannada Al Shabaab ka fuliya gudaha Soomaaliya
SHABAKADDA WARARKA
NAGALA SOO XIRIIR.
TELL:25290-7647333/252617150440
Email [email protected]
TELL:252617678096