Saraakiil Cusub oo Boliiska Ku Soo Biiray oo Lagu Hor Dhaariyay Wasiirka Amniga

Saraakiil cusub oo ciidamada booliska Soomaaliyeed kusoo biiray, soona dhameystay tababaro gudaha iyo dibada ah ayaa loo dhaariyay darajooyinka loo dalacsiiyay oo isugu jira xiddigle iyo laba xiddiglayaal.

Munaasabad ka dhacday xarunta akadeemiyada booliska oo ay ka qeybgaleen mas’uuuliyiin uu ka mid ah yahay wasiirka amniga gudaha ayaa lagu hordhaariyay saraakiishaasi oo ah dhamaantood dhalinyaro heer jaamacadeed iyo kuwo dusgiyada sare ka qalin jabiyay.

Mas’uuliyiinta goobjooga aheyd munaasabada ka dhacday akadeemiyada booliska ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Cismaan Daallo, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamud Xayir, taliyaha Booliska iyo saraakiil kale.

Let’s block ads! (Why?)