Samafale Weyn oo Soomaaliya ka Geeriyooday!!! {Aan u Duceyno Marxuumka}

Adduunyaddu waa safar, qof walbaana maalin ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa Illaah ee Allaha u naxariistee waxaa ummadda Soomaaliyeed ka Baxay Samafalihii weynaa ee Xaaji Maxamed Cali Nuur {Xaaji Aamanuu}

Allaha u naxariistee Marxuum Aamanuu ayaa ahaa Saaxiib samafal badan, caan waxa uu ku ahaa Bixinta sadaqada, u kaalmeynta dadka tabarta yar, aqrinta Quraanka & taageerida wanaag walba oo ummadda loogu adeeegayo!

Marxuumka oo ahaa Ahlu Kheyr Naxariis badan ayaa Alle waxaa looga baryayaa inuu Jannatull Fardows ka waraabiyo, Qoyskii & Eheladii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan inuu ka siiyo.

Let’s block ads! (Why?)