Safiirka cusub ee DFS ay u magacawday K/Afrika oo lagu soo dhaweeyay Johannseburg

Muqdisho:Safiirka ay Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacaabday Dalka South Africa Maxamed Cali Mire ( Nabadoon ) ayaa gaaray Magaaladda Johannseburg ee dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey

Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon waxa uu badalay Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Koofur Afrika Jamal Maxamed Barrow oo loo magacaabay wadanka Nagaria .

Garoonka magaalada Johannesburg waxaa safiirka ku soo dhaweeyay madax ka socotay safaaradda qaar ka mid ah waxgaradka iyo culimada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan Jaaliyadda Johanesburg.

Let’s block ads! (Why?)