Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay Berri tahay Maalinta koowaaad ee Ciida

Bayaan kasoo baxay Maxkamada Sare lagana siidaayay tv-yada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in beri la ciidayo Maalinta koowaad,kaidb markii ay arkeen dad la hubo iyo Markhaatiyaal lagu kalsoon yahay.

Wadamo badan oo ka mid ah Qaarada Aasia ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay inay waayeen Bisha Shawaal,isla markaana Beri ay dhameystirayan 30-ka Bisha Ramadaan.

Soomaaliya marka loo fiiriyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay soo saarto Go’aanka ugu dambeeya,iyada oo ay waday baadi-goobka Bisha Shawaal.

Let’s block ads! (Why?)