RW. Ku-xigeenka oo furay Aqoon Is-waydaarsi Ku Saabsan Siyaasadda Maareynta Maamulka Deegaanka Dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay aqoon is-waydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda furitaanka aqoon is-waydaarsiga ka sheegay in muhiim ay tahay samaynta qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka, maadaama deegaanka iyo bay’adu ay muhiim u yihiin nolosha bulshada.

Aqoon is-waydaarsiga oo soconaya muda sedax cisha ah ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada deegaanka ee dawlad gobaleedyada iyo agaasimaha deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Let’s block ads! (Why?)