Ruug Caddaagii Ururada Bulshada Rayidka oo Geeriyooday!

Waaya-arag la jecel yahay ayuu ahaa, xushmo ayuu ku dhex lahaa bulshadiisa, waqti adag oo aan loo Barreeri Karin hawsha ururada bulshada rayidka ayuu soo shaqeeyay!!!

Caan wuxuu ku ahaa kaftan iyo sheeko aan laga xiisa dhaci jirin, Geesi ku dhiiran illaalinta xuquuqda dadka Somaaliyeed ayuu ahaa, xusuus ahaan waxaan hawlo shaqo u wada tagnay Magaalooyinka Kampala, Nairobi, Diinsoor, Baydhabo iyo xarumo badan oo ku yaalo Muqdisho.

Ma dhinte waa Illaah, Allaha u naxariistee Eng. Siidoow Xasan Mahdi oo ahaa Guddoomiyihii Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Wanla Weyn Human Right waxa uu maanta ku geeriyooday Hoygiisa Muqdisho, xaqiiqdii Aqoonyahan culus ayaa ka baxay Bahda ururada bulshada Soomaaliyeed!!!

WD:C/Laahi Shiikhaalow

Let’s block ads! (Why?)