Ra’yi: Dhaliisha (Proffessor-ka) ee Maanta!

Ma doonayn inaan ka hadlo arinta uu Aqoonyahanka wayn ee taxliilka siyaasada looga daba hadlin laakiin waxay i xusuusisay sheeko xeryaha qaxootiga Kenya ka dhacday.

Gabadh reer Soomaaliya ah, ayaa waxaa guurasaday wiil reer Kenya ah oo xeryaha shaqo u joogay ka dibna safar Nairobi u aaday gabadhii oo ogayd in wiilka reerkooda ay Garissa dagan yihiin ayaa subax soo aaday gaarisa lacag laaluusha intay Askartii siisay sidaa ku soo dhaaftay.

Kolkay reerkii u timid ayaa la waraystay sideed jidka ku soo martay? gabadhii oo is xariifinaysaa tidhi Kaarto ayaan ku soo dhaafay Askartii baan habeeyey,

Odaygii reerka hadalkii gabdha meel uu uqaado ayuu garan waayey mid malaha Dhoobley, aadi jirey ayuu waydiiyey hebalow adaa reer Soomaliya ahaaye, Kaartadan ay gabadhu sheegayso maxay tahay? isna ismaba waalinee wuxuu yidhi markaan dhinac kasta ka eegay waa uun “Dhilaysinimo.😂

Eega dhaliisha Dr Aqoonyahan Faysal ee ku aadan qaacidada Orthodox ka & Gaalada, isagoo sheegay in nin Xabashi ah oo sheekyasanayen uu (KKMW) DDS ku tilmaamay erey “IMIYI” la dhaho,

Markaan dhinac kasta ka eegay waxaan dhaafin waayey in Aqoonyahanka sare uu saaxiibo badan oo xabashi ah lee yahay, waa mar uu dhaho Gabadh xabashi ah oon saaxiibo nahay baa kusimaha amaanaysay, iyo maruu dhaho mid aan sheekaysanay oo xabashiya lahaa ‘IMIYe’ IWM.

Halkaa markay marayso waxaan la kaashaday isla saaxiibkii sheekada kore ila wadaagay wuxuuna iigu soo koobay markaan dhinac walba ka eegay sheekada Professor-ka waa uun qayb ‘Jaajuusnimada’ ka mid ah.

Si kastaba ha ahaatee Aqoonyahan Rooble wuxuu muujinayaa in albaabkii jaajusnimadu xidhmay iyo waliba xoogaagii Xabashida Shaaha lagula cabi jirayba.

Waxaana badalay in Haro-Digeeed Caanaha la isugu lisayo, waxaana kusimaha u sheegaynaa caano ha u dhaafin ilayn heshiiskii hore Hilib In loo qalo la iskuma Ogaynee.😂

Mohaxmed Isse

Let’s block ads! (Why?)