Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Washington kula Kulmay masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan.

Kulanka waxaa labada masuul ay diirada ku saareen horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta doorka Mareykanka ee caawimaadda Soomaaliya, Dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Argagixisada.

Khayre oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu yiri “Wada hadalka aan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka waxa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku soo dhamaaday, ujeedka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa caawimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa jiray kulamo kale oo aan la yeeshay masuuliyiinta dalkan.”

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareynkanka John Sullivan,iyagoona ka wada hadlay qaabka lagu xoojin karo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Labada Dowladood iyo taageerida Horumarineed uu Mareynkanka siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washintong ee dalka Mareynkanka uga qeyb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) .

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku baaqay la helo hab cusub oo looga xoojinayo xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Let’s block ads! (Why?)