Ra’iisul Wasaarihii Dawladda Keenay Villa Somalia oo la Abaal-Mariyay!

Sannadku waa 2006-dii, isbadal siyaasaddeed oo Mug weyn ayaa xilligaas ka dhacay magaalada Muqdisho, hogaankii Dawladda ee waqtigaasi jirey ayaa Muqdisho la wareegay kadib markii ay ka soo ruuqaansadeen magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u aheyd!

Taariikhdu waa been ma sheegto, wafdigii Dawladda ka hor intii aaney imaanin Muqdisho waxay ku soo hakadeen Degmada Afgooye, wadahadlo halkaasi ka dhacay dabadeed waxay u soo gudbeen Caasimaddii Soomaaaliy oo xilligaasi maamul la’aan la haawanaysay!

Ra’iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi oo hogaaminyay wafdigii Dawladda ayaa soo galitaankoodii Muqdisho kadib waxay markii ugu horeysay 16 Sanno kadib Calanka Dawladnimada Soomaaliya ka taageen Villa Somalia.

Laga soo bilaabo maalintaas illaa maanta waxa ay Dawladdihii isaga dambeeyay Dalka ay ku shaqeynayeen Xaruntii uu dib u soo celiyay Prof Geedi.

Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo shalay ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya uga mahad naqay sidii uu ugu guuleystay inay Dawladdu ka hawl-gasho Villa Somalia.

Iyada oo laga duulayo waxqabadkii ninkaas Odayga ah ayay Jaamacadda Somaville shalay gudddoonsiisay #Shahaado_Sharaf uu ku mutaystay sida uu gacan u siiyo Bahda waxbarashada & sida uu u dhiiri galiyo ardayda wax ka Barata Jamacaddaha wadanka.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay #Abaalmarinta la guddoonsiiyay Masuulkii ugu horeeyay ee Labaatan sanno ku dhawaad Dawladda Soomaaliya ku soo celiyay Villa Somalia!

Shiiqaalow Xassan

Let’s block ads! (Why?)