Raiisul Wasaare Kheyre oo soo saaray muuqaal dhif iyo naadir ah

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay soo saaray muuqaal aan horay looga baran oo dhif iyo naadir ah, kaasi oo lagu soo koobay tan iyo markii jagadaasi loo magacaabay.

Muuqaalkaan cusub oo Ra’iisal Wasaaruhu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa bulshada loogu sheegayaa inuu uga jawaabayo su’aalaha ay ka qabaan xukuumadiisa isla markaana kala soo xiriiri karaan ciwaanka emailka kaaga muuqanaya shaashadda.

Clipkaan oo soconaya muddo 1 daqiiqo ah ayaa waxaa ka muqda Ra’iisal Wasaaraha oo la taagan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo lana dhaarinayo kaddib markii uu Baarlamaanka codka kalsoonida u qaaday.

Dhinaca kale fursadaha uu Ra’iisal Wasaare Kheyre siiyay shacabka ayaa ku soo beegmeysa xilli xaaladda dalka marayo meel xasaasi ah isla markaana dadka dhaliila xukuumadiisa ku eedeeyaan inuu wax ka qaban waayay arrimaha amniga, siyaasad xasiloon, xiriirka arrimaha dibadda oo sii xumaanaya iyo kuwo kale.

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)