Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xil cusub u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Asluubta

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa xil cusub u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo dhowaan xilkaasi laga qaaday Bashir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa loogu magacaabay Wakaaladda dhismaha Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac, iyadoo lagu caddeeyay qoraalkaasi in magacaabistiisa ay salka ku heyso baahi weyn oo loo qabo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Bashiir Maxamed Jaamac oo horay u ahaa taliyaha ciidamada Asluubta ayaa isagu ah shaqsiga kaliya ee xilal dhowr ah loo magacaabay tan iyo dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaana wareegtada xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre lagu muujiyay inuu karti iyo aqoon u leeyahay jagada loo magacaabay.

Dhowaan ayay ahayd markii xil ka qaadis lagu sameeyay saraakiil uu ka mid yahay Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Booge), Taliyaha ciidamada Booliska, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo Taliyaha Sirdoonka oo loogu dallacsiiyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo isagu ahaa Taliye Ku xigeenka Hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Let’s block ads! (Why?)