Qofku markuu dhimanayo, ruuxiisa wuxuu cabaar dhinac yaalayaa meydkiisa

Qofku markuu dhimanayo, ruuxiisa wuxuu cabaar dhinac yaalayaa meydkiisa, marka la dhaqayo oo la karfanayo.

Malakul mowt waxaa la socota labo kooxood malaa’ik ah, oo u kala qaabilsan jannada iyo naarta, qolo walbana waxay sugeysaa in loo dhiibo ruuxa waxa la leeyahay “Yaa samada la fuulaya ruuxa وقيل من راق؟” ileen lama oga qofkaas inu Ahlunaar ama Ahlujanna yahay.

Ninka dhintay wuu u jeedaa waxa meesha ka socda iyo malaa’ikta oo korkiisa ku doodeysa balse ka ma hadli karo “فكشفنا عنك غطاءك فبصرك اليوم حديد”
Meydka marka la aaso ayaa ruuxa lagu soo celiyaa jirkiisa, markas ayuu soo toosayaa wuxuna arkayaa mugdiga qabriga, wuxuu saddex jeer isku dayaa inuu soo istaago lakin madaxiisa markuu ku dhufto saqafka gudaha ee qabriga ayuu rumeysanayaa inuu yahay meyd dhintay oo la aasay.

Waxaa isla markaas imaanaya labada malak Munkar iyo Nakiir oo u xilsaaran cadaabta qabriga waxayna weydiinayaan su’aalihii qabriga hadduu ku guuleysto ama uu ku dhaco ayaa loo gudbinayaa meesha logu magacdaray Barsakh “البرزخ” oo leh labo daaqado oo midkooda ku aadan jannada mida kalana naarta (Allahumma najjinaa) halkaas ayuu ku sugayaa maalinta xisaabta ee qiyaamaha, inuu tago janno ama naar.

Mar alaale markii uu qof soo booqdo qabrigiisa waxaa halkaas Barzakha joogo malak gaar ah oo leh “Maanta waxaa ku soo booqday walaalkaga/wiilkaga ama hebel” Isla markas ruuxiisu waxay aadeysaa qabrigiisa sii u dhageysto qofka ag taagan qabrigiisa, aadna ayuu ugu farxayaa intay booqashu socoto

Ilaahow towxiidka noogu sug, Ilaahow gefkeena iyo geerideena ha kulminin, Ilaahow noo sahal dad marwalba noo duceeya markan dhimano لا اله الا امت سبحانك اي كنت من الظالمين Hadaba manta waan daremi karna xalada uu dalkeena iyo dad kena ay ku sugan yihiin malin waliba waxaa ladilaa dad aan waxba galabsan oo ku sugan goobahooda meherada ganacsiga Iyo misaajida Kuwa naf daahir ah oo an waxba galabsan si barer ah udilayan Maxaa ay malinta qiyaama rabi weyna alla hortagayaan.

Let’s block ads! (Why?)