QM oo ka digtay Abaar daran oo ay sheegtay inay ku soo fool leedahay Soomaaliya.

Muqdisho- Qaramada midoobey ayaa sheegtay in roob la’aan ka jirtay sadaxdii sano ee la soo dhaafay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay sabab u noqon karto in Soomaaliya ka dhacdo abaar la mid ah tii dalka soo martay sandii 2011-kii oo kale.

Hay’adda QM u qaabilsan dhanka Barnaamijyada horumarinta ayaa sheegtay in kaalmooyin deg deg ah ay gaarsiiyeen dad badan oo la il darnaa abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo ka jirta Soomaaliya.

Biya la’aanta oo ah dhibaatada ugu badan ee wajahayaan dadka u baahan gargaarka bini’aadannimo kuwaas oo intooda badan degan deegaano hoos yimaada maamulka Puntland ayaa sanadkii lacag gaaraysa $200 oo doolar illaa iyo $400 ku qarash gareeya helintaanka biyo nadiif ah sida ay sheegayso QM.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay 4-ta wadan ee ugu daran ee wajahaya xaaladaha bini’aadannimo kuwaas oo aanan sadaxdii sano ee la soo dhaafay helin roob ku filan.

Dad gaaraya 6.2 milyan oo ruux oo ah ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo sida ay QM sheegayso kuwaas oo 2.9 milyan ee u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Sanadkii 2011’kii ayay ahayd markii dad ku dhaw 260,000 oo kala bar yihiin caruur ay u geeriyoodeen abaaro daran oo ku dhuftay qaybo badan oo soomaaliya kamid ah.

Let’s block ads! (Why?)