Qaraxyo kala duwan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho: Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka dhacay labo qarax oo miinada nooca dhulka lagu aaso,iyadoo qaraxyadaasi ay ka dhaceen wadada isku xira Janaral Daauud iyo Xaafadda Daarusalaam.

Qaraxyadaasi ayaa in yar kala horeeyay, labada qarax ee ka dhacay Wadadaasi, iyadoo la sheegay in xiligaasi ay marayeen wadadaas gaadiid ay wataan ciidamo ka mid ah kuwa dowlada federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ah ayaa saxaafadda u sheegay in askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo gaaraya illaa sadax askari ay ku dhaawacmeen, waxayna wadadaan isku xirtaa Janaral Daauud iyo Xaafadda Daaru’salaam oo kala qeybisa Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid,

Dhanka kale waxaa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka, waxayna goobtaasi ka sameeyeen baaritano, ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi.

Let’s block ads! (Why?)