Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow casar gaabadkii waxaa uu ka dhacay xaafada Xaawo taako oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasoo geystay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray nin oday ah oo magaciisa lagu sheegay Carabow Cali Makaraan oo Isbitaalka loola cararay ka dib markii uu soo gaaray dhaawac halis ah isagoo qaraxaas ku waayey labadiisa lugood.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in shaqsiga gaarigiisa qaraxa loogu xiray uu ahaa Nin Oday ah oo dalaal ah halka dadka qaarkood ay sheegeen inuu ahaa Nabadoon.

Xiliga qaraxu dhacayay ayaa waxa uu ninkani ku sugnaa goob uu dhismo ka socdo oo ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir, lamana sababta qaraxa loola beegsaday iyo inuu qaban jiray howlo kale.

Sidoo kale, waxaa burbur xooggan uu soo gaaray gaariga qaraxa lagu xiray, iyadoo ciidamada amaanka oo goobtaas gaaray ay halkaas ka sameeyeen baaritaano kala duwan.

Let’s block ads! (Why?)