Puntland Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah S/Land

Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi oo xilka kala wareegayay taliyihii ka horreeyay ayaa sheegay in Puntland ay gali doonto dagaal lagu xoreynayo deegaano uu sheegay in ay ka baxeen gacmahooda.

Cabdishukri Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Puntland ay  diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkasta oo ku soo duusha, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha cusub ayaa u ballan Ciidamada maamulkaasi ee ku sugan jiida hore ee dagaalka in ay si joogta ah u heli doonaan xaquuqdooda iyo daryeel gaar ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xiisad u dhexeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Let’s block ads! (Why?)