Ogeysiis: Bandhiga buuga Maana-Faay oo Gothenburg lagu soo bandhigaayo…

Curinta sheekadu waa xirfad ku salaysan hibo iyo barasho. Sheekooyinka qoran waxay keeneeen nooc cusub oo farriimaha loo soo gudbiyo. Waxaa xusid mudan in sheekadii Maana-Faay ee cusub ay Yurub ka soo if-baxday. Sheekadan waxaa si qurux badan loogu daabacay dalka Ingiriiska, waxaana daabacday shirkadda Looh Press. Qisada buugga Maana- Faay waxaa curiyay Dr Maxamad Daahir Afrax oo ah qoraa hibo leh marka la eego tebinta farriimaha sheekooyinka qoran. Sheekada Maana- Faay waa mid maharaan ku reebtay dadka akhristay. Abwaan Xadraawi ayaa laga Hayaa: Maxaa qalinku sheekiyo, qubanaha dharaartiyo . Kolba qodob la yaab lihiyo, mahadhooyin qorayaa.Haddaba,nagala soo qayb gal ban-dhigga daah-furka buugga cusub ee Maana-Faay.

Ogeysiis: Bandhiga buuga Maana-Faay oo magaaladda Gothenburg ee dalka Sweden oo dhamaadka bishan lagu soo bandhigaayo…

Ee ka soo qeyb gal wacan.

Let’s block ads! (Why?)