Odoyaasha Beesha Dabruube oo Digniin u jeediyey xildhibaan Cabdalla Xusseen Cali

Warqad ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Beesha Dabruube oo ay ku saxiixan yihiin Nabad­-Doonka guud ee Beesha, Nabad­-Doon Ibraahim Maxamed Barrow iyo Nabad­-Doonka Beesha ee Gobolka Banaadir, Nabad­-Doon Axmed Maxamed Subeer oo ku taariikheysand 12-ka bishan ayaa waxay eedeyn iyo digniin u jeediyeen Xildhibaan Cabdalle Xusseen Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxay qoraalkooda ku sheegeen in ay ka digayaan Been-abuuris iyo dhoo-dhoobid Oday Dhaqameed oo ay sheegeen in uu Xildhibaanku ku howlan yahay, kaasoo ay ujeedadiisu tahay in uu saameyn ku yeesho hanaanka doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020.

Golaha Odayaasha Dhaqanka Beesha, waxa uu ku war-geliyay Gudiga Madaxa-banaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo hay´ado dhowr ah oo ay qusayso ee ka tirsan Dowladda Federaalka in ay ka foojignaadaan Oday Dhaqameedka la Been-abuurayo.

Waxay ugu dambeyntii qoraalkooda kusoo geba-gabeeyeen in aan marnaba loo dulqaadan doonin in lagu xad-gudbo dhaqanka sooyaalka ah ee beesha, waxayna ka digeen cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dab

Let’s block ads! (Why?)