Ninkii Hooyadaa Arooso waa Adeerkaa!!!

Hogaan cusub ayaa loo magacaabay maamulka G/Banaadir, kursigii ka bannaanaa guddoonka Gobolka ayaa la buuxiyay, ruug caddaa la soo tijaabiyay ayaa la keenay, 22-kii bishan ayay aheyd markii Guddoomiyaha magacaaban ee G/Banaadir uu helay kalsoonida Madaxweynahiisa, lama filaan ayay dad badan arintaasi ku noqotay!

Saadaashii suuqa tiilay ayaa beenowday, kadib markii la shaaciyay magac aan aheyn raggii loo badinayay inay xilkaasi ku soo bixi karaan, akhyaar ku xirran iyo kuwa ka ag dhaw xafiisyada Villa Soomaaliya ayaa loo tirinayay inay buuxin doonaan jagadii uu ka geeriyooday Eng. Yariisoow, xaqiiqdii Cumar Maxamuud Maxamed {Finish} kuma uusan jirin masuulyiintii la hadal hayay inay noqon karaan Guddoomiyaha soo socda.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa Cumar Finish ka soo dhex xushay rag badan oo uu hunguri kaga jiryay qabashada xilkaasi, sacab, farxad iyo caleemo qoyan ayaa lagu soo dhaweeyay Duqa uu soo doortay Madaxweynuhu, kulamo bilow ah oo lagu macneeyay salaan, isbarasho iyo kala warqaadasho ayaa loogu tagay, booqasho iyo sawirro lala soo galay ayaa buux dhaafiyay baraha bushada.

Shaqo aan sahleyn oo u baahan feejignaan, taxadir iyo xaqiijin ayaa hortaalo, wax ka qabashada Amniga G/Banaadir ayaa laga doonayaa, bilic soo celinta & Nadaafada magaalada ayaa looga fadhiyaa, raadinta Maqaamkii Muqdisho ayaa laga dhawrayaa iyo horumarinta adeegyada kale ee Gobolka ayaa Looga baahan yahay.

Lama saadaalin karo waxa uu la imaan doono Guddoomiyaha cusub, rajo badan ayaa laga qabaa inuu horseed ka noqdo sidii uu G/Banaadir u gaari lahaa yoolalka uu hiigsanaayo, haatan Cumar waa cusub yahay, ammaan iyo dhallil midna ma laha, dhawr bilood Kadib ayaa la kala garan doonaa dhabaha uu qaaday.

“Runtii Cumar Finish waa nin soo halgamay, waxaan xasuustaa inuu mar soo ahaa Wasiir, mar-na Xildhibaan Qaran, waan soo dhaweynayaa xilka cusub ee haatan loo magacaabay, Anigu hooyadeey ninkii arooso waa Adeerkeey, Duq kasta oo Muqdisho loo soo magacaabana waa Madaxdeyda” ayuu yiri Siyaasi ka tirsan Asaxaabta siyaasddeed ee Soomaaliya ka diiwaan gashan.

Allow amuuraha sahal, bulshada Muqdisho wey daalan tahay, waxqabad deg-deg ah ayay u baahan tahay, Guddoomiyaha cusub-na waxay ka filaysaa inuu noqdo midkii samata bixin lahaa ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)