Nin rayid ah oo lagu dilay degmada Xamarweyne

Caawa fiidkii ayaa kooxo ku hubeysan bustoolado waxay nin rayid ah ku dileen xaafada koodka ee degmada Xamarweyne ku dileen nin ka mid ah dadka Xaafadaas.

Ninka la dilay ayaa dadka deegaanka waxa ay Magaciisa ku sheegeen Muuse Mackow,waxana la sheegay in uu ahaa Ninka Ganacsada Tufaaxa iyo Muuska kana soo qaata Ciidamada AMISOM.

Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxaana hadda baaritaano ka wada ciidamo ka tirsan dowladda oo Goobta gaaray.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka ninkaasi rayidka ah, iyadoo falkani si weyn uga welweleen dadka ku dhaqan degmada Xamarweyne.

Let’s block ads! (Why?)