Nin Mindi ku Hubeysan oo Xalay Dad Shacab ah ku Weeraray Magaalada London

LONDON (GUBTA.COM)Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa xalay dad ku weeraray Magaalada London ee Xarunta Britain, iyadoo uu dilay haweeney, halka lix kalana uu dhaawacay.

Weerarkan, ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha “Russell Square” ee ku yaal Bartamaha Magaalada London. Ciidamada Booliska oo goobtaasi gaaray ayaa gacanta ku dhigay ninkaas.

Ninkaan, ayaa waxaa hadda lagu hayaa isbitaal ku yaal magaalada London halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaadeed, ka dib markii uu ku dhaawacmay rasaas uu ku furay Sarkaal Booliska ka tirsan.

Britain, ayaa waxay toddobaadkan kordhisay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Magaalada London, iyadoo 600 oo ciidan hubeysan lagu kordhiyay tiradii horey kaga hawlgaleysay Caasimadda London.

Taliyaha Ciidamada Booliska Britain, Bernard Hogan-howe, ayaa sheegay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qaaradda Yurub inay Britain ku dhaliyeen, in ay xoojiso tallaabada ay dadkeeda ku difaacayso.

Booliska, ayaa da’da ninkaan ku sheegay 19 jir. Warar hordhac ay heshay shabakadan Gubta.com waxay sheegayaan in ninka weerarka gaystay uu qabay xanuun dhinaca maskaxda ah.