roobabkii guga oo soo saaraay baad cagaar badan(Sawiro)
Roobabkii guga ee ka da’ay nawaaxiga degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxa ay
Roobabkii guga ee ka da’ay nawaaxiga degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxa ay
Adisababa-(GMN) Magaalada Adisababa ee caasumada Dalka Itoobiya waxaa laga kasocda Qabanqaabada shirka Saxiixayaasha RoadMapka oo la filayo Todobaadkan inuu ku qabsoomo Magaalada Adisababa ee Dalka Itoobiya. Shirkan ayaa waxaa qabanqaabinaysan Xafiiska Qaramada Midoobay ee dhanka Siyaasada ee UNPOS waxaana la filayaa in looga hadlo waxyaabaha ka qabsoomay geedi socodka Nabada iyo Caqabadaha kahoryimid. Saxiixayaasha Roadmapka ayaa kala ah Dowlada KMG ah, Puntland, galmudug, Ahlusuna iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca Siyaasada, Waxaana lagu falanqayndoonaa sida aanu kasoo xiganay Saraakiil UNka ku dhow dhow wakhtiga yar ee haray iyo qaabkii lo wajihi lahaa marxalada kalaguurka. Sida la saadaalinayo kulanka waxaa uu noqon doonaa mid kaduwan kulamadi hore Maadaama ay soo baxeen khilaaf ku aadan Ansixinta Dastuurka Cusub oo ay ka hor imaadeen caqabado badan iyadoo Maamulka Puntland oo Saxiixayaasha kamid ah uu kamid yahay Maamulada Qaadacay dastuurka. Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamad Faroole ayaa Gaaray magaalada Adisababa ee xarunta Dalka Itoobiya , Iyadoo sidoo kale Madaxwaynaha Galmudug Maxamad Axmad Caali Saacadihi lasoo dhaafay uu gaaray Magaalada Adisababa si uu uga qaybgalo Shirka Saxiixayaasha RoadMapka ee Todobaadka furmi doona. 26kii Bishii Maarso ayuu ahaa kulankii kan ka horeeyay ee saxiixayaasha Roadmapka ,waxaana lagu qabtay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Gaalkacy kaasi oo kusoo dhamaaday jawi wanaagsan Qodobana laga soo saaray. Abdinasir Ali Ibrahim Gedoonlinenews@gmail.com
Baydhabo-(GMN) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer ku tagay Xero Ciidan oo ku taala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa Kormeerkiisa ku weheliyay Qaarkamid ah Wasiirada Xukuumada Raysalwasaare Gaas ee kasoo jeeda Gobolka Baay iyo Saraakiil Ciidan kuwaas oo soo indha indheeyay Xero uu ka socdo tababar Ciidan. Xeradan ayaa waxaa ay ku Taala Magaalada baydhabo waxaana lagu Tababarayaa ciidamo gaaraya 1000 Askari oo deegaanka kasoo jeeda waxaaa lag wadaa inay kamid noqdaan Ciidamada Dowlada ee ka qaybqaadanaya sugida amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolada Baay iyo Bakool. Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa markii uu xerada tagay waxaa uu khudbad u jeediyay Ciidamada tababarku u socdo , waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay tababarkaan qaataan si ay uga mid noqdaaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya. Shariif Xasan waxaa uu sheegay inuu ku dadaali doono sidii ay u heli lahaayeen agabka iyo tasyiilaadka ay u baahnyihiin Ciidamada, iyagana laga doonayo inay gbolada Baay iyo Bakool ka xoreeyaan Kooxda Shabaab oo kusugan qaar kamid ah deegaanada Goboladaas. Shariif Xasan wuxuu ta iyo intii Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Dowlada ay la wareegeen Magaalada Baydhabo uu ka waday Abaabul iyo Kulamo kala duwan oo ku abaaulayo Bulshada Gobolka iyo sidi deegaanada harsan loga saari lahaa Ururuka Shabaab, Si uu taageero xoogleh uga helo xiliga Doorashada ee bisha Agost ee fooda nagusoo haysa. Shalay ayay ahayd markii Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya ee kusugan Gobolada baay iyo Bakool uu ka sheegay Shir looga hadlayay Amaanka Goboladaasi inay Ciidamada Itoobiya ay Goboladaas ka saari doonaan Kooxda Shabaab si kama danbays ah. Gedoonlinenews@gmail.com
Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay Warar sheegaya in Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan shabaab ay gaareen Deegaano ka tirsan Mudug. Ciidamadan ayaa gaaray Deegaanada Afbarwaaqo iyo But But oo ay maamusho maamulka Galmudug, waxaana arintaan Qeylo dhaan ka soo saaray maamulka Puntland, waxa uuna dalbaday Ciidamo deg deg ah oo ka socda amisom. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Maamulka Puntland Khaliif Ciise Magan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu wado qorshe ku aadan in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo deegaanada Maamulka Puntland si ay u nabadeeyaan deegaanada Maamulka. Khaliif Ciise Magan ayaa waxa uu sheegay in meelaha la gaynayo ciidamada AMISOM ay ka mid yihiin magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay soo dhaweeyaan arintaasi. Sidoo kale amisom ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Deegaanada ay ka Taliyaan Puntland iyo Galmudug, lamana oga in haatan ay Diyaar yihiin Ciidamadaas ay dalbanayaan Puntland. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com cabdixakiin441@hotmail.com cabdixakiin@nuxur.com
Gaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta u amababaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka saxaaxayaasha Roud-Mapka, oo kala ah, DKMG ah, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna, UNPOS, iyo hey’addo kale. Madaxweynaha ayaa bixitaankiisa wax hadal uu siinin saxaafadda, waxana horey u raacay qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa iyo xubno ka soo raacay magaalada Muqdisho oo dhawaan uu ka soo laabtay. Madaxweyne Caalin ayaa ka qeyb galaya shirka toddobaadka soo socda ka dhacay magaalada Addis Ababa oo looga hadlayo waxyaabaha ay ka mid tahay dhaliilo ay soo jeedisay Puntaland oo ku aadan qaabka hadda uu socda dastuurka loo sameenayo Soomaaliya. Waxa hadda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole kaa oo tagay dalka Hindiya. Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegay in dastuurka Soomaaliya loo sameenayo ay dhaliilsan yihiin siddaas darteedna ay kala soo baxeyn ergadii uga qeyb galeysay Puntland shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdish. Maamulka Galmudug ee ka arrimiya qeybo ka mid ah gobalka Mudug, waxa madaxweynahooda uu khilaaf kala dhexeeyaa qaar ka mid ah baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo hadda isku khilaafsan xilka uu hayo. Dhawaan waxa lagu wadaa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho madaxweyne, waxana dadka isku soo tagay ka mid ah Cabdi Cawaale Qeybdiid oo horrey u ahaa qabqable dagaal, Taliye Poolis iyo Wasiir DKMG ah. RBC Radio ————————- Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Gaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta u amababaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka saxaaxayaasha Roud-Mapka, oo kala ah, DKMG ah, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna, UNPOS, iyo hey’addo kale. Madaxweynaha ayaa bixitaankiisa wax hadal uu siinin saxaafadda, waxana horey u raacay qaar ka mid ah golaha wasiiradiisa iyo xubno ka soo raacay magaalada Muqdisho oo dhawaan uu ka soo laabtay. Madaxweyne Caalin ayaa ka qeyb galaya shirka toddobaadka soo socda ka dhacay magaalada Addis Ababa oo looga hadlayo waxyaabaha ay ka mid tahay dhaliilo ay soo jeedisay Puntaland oo ku aadan qaabka hadda uu socda dastuurka loo sameenayo Soomaaliya. Waxa hadda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole kaa oo tagay dalka Hindiya. Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegay in dastuurka Soomaaliya loo sameenayo ay dhaliilsan yihiin siddaas darteedna ay kala soo baxeyn ergadii uga qeyb galeysay Puntland shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdish. Maamulka Galmudug ee ka arrimiya qeybo ka mid ah gobalka Mudug, waxa madaxweynahooda uu khilaaf kala dhexeeyaa qaar ka mid ah baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo hadda isku khilaafsan xilka uu hayo. Dhawaan waxa lagu wadaa in Galmudug ay ka dhacdo doorasho madaxweyne, waxana dadka isku soo tagay ka mid ah Cabdi Cawaale Qeybdiid oo horrey u ahaa qabqable dagaal, Taliye Poolis iyo Wasiir DKMG ah. RBC Radio ————————- Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Hargaysa-(GMN) Waxaa Magaalada hargaysa ee Xarunta Maamulka La magacbaxay Soomaalilaand saaka ka dhacay Munaasabad balaaran oo lagu xusayay 18ka May. Munaasabadan oo ahayd mid balaaran ayaa waxaa kasoo qaybgalay , madaxda Iyo Shacabka ku dhaqan magaalada hargaysa , waxaana la isugu soo baxaya Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargaysa. Xafladan oo ahady mid si weyn loo agaasimay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay, Madaxda kala duwa Heer Demo ilaa Madaxweyne, iyadoo ay hadalon kala duwan ka jeediyeen , Madaxwaynaha, Gudoomiye Xigeenka Golaha Wakiilada,Madaxda Xisbiyada Mucaaradka , Taliyaasha Ciidamada iyo Madax kala duwan. Hogaamiyaha Soomaalilaand Axmada Maxamad Maxamuud Siilaanyo ayaa madasha ka jeediyay khudbad dheer oo uga hadlayo Taariikhda 18ka May, Ictiraafka Soomaaliland, iyo waliba Xaalada Soomaaliya. Silaanyo waxaa uu sheegay in maalintan ay tahay maalin taariikhi ah oo soomaaliland ay xaqiijisay inay tahay dowlada ka madaxbanaan soomaaliya, isagoo intaa ku daray in maalintan ay tahay maalin Xus iyo karaamo ka mudan dadka iyo Dowlada Soomaalilaaand halgan adagna ay ku timid sida uu hadalka u dhigay. Madaxwaynaha Soomaalilaand waxaa uu sheegay in Soomaalilaand ay samaysay Dimuqraadiyad, Nabad yo kala danayn ayna ka dhabeeyeen himilooyinki Maamulkan uu hiigsanayay. Mr Siilaanyo waxaa uu intaa ku daray in Caalamka ay uga fadhiyaan inay ka helaan Ictiraaf lana mid noqdaan dowladaha madaxabanaan ee caalamka kajira, maadaama ay buuxiyeen shuruudo badan oo caalamka soomaalilaand uu ka dalbaday. Hogaamiyaha Soomaalilaand waxaa uu soo hadal qaaday arimaha soomaaliya waxaana uu sheegay in soomaaliya ay tahay dowlad dariskood ah oo ay kajiraan dhibaatooyin badan, isaga oo ka dalbaday Madaxda soomaalida inay Dadkooda u horseedaan Nabad iyo kala danbayn. dhinaca kale waxaa uu ka hadal qaaday qaar kamid ah Odayaasha Soomaalilaand ee ka qaybgalay Shirka Odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed ee muqdisho, waxaana uu sheegay dadkaas inaysan matalin umada Soomaalilaand, ayna yihiin danbiilayaal khiyaamay shacabka Soomaalilaan iyo gooni u istaageeda sida uu hadalka u dhigay Madaxwaynaha Maamulka Soomaalilaand. Sanad walba maalinkan oo kale waxaa ka dhaca gudaha maamulka Soomaalilaand iyo dalka Dibadiisaba Munaasabado balaaran oo lagu maamuusayo 18ka May oo ay u aqoonsanyihiin inay tahay maalinkii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale. Gedoonlinenews@gmail.com
Waxaa goor dhawayd ka soo dagtay Garoonka magaalada Nairobi, Diyaarada Turkish Airways oo maalintii labaad ka laabatay Garoonka Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Garoonka Muqdisho ay ka dagi wayday Diyaaradan, waxaana taasi loo sababeeyay in Diyaarada ay tahay mid wayn oo aan Xamili karin in ay si Fudud uga soo dagto Garoonka Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf ku saabsan habka ay ugu soo dageyso garoonka, waxaana la sheegayaa in Saraakiisha Garoonka ay dalbadeen in diyaarada ay dhinaca Xalane ka soo degto, oo ah halka diyaaradaha ay ka soo degaan, marka ay ka soo kala wareegaan Badda. Ilo ku dhow dhow shaqaalaha Turkish Airways ayaa sheegaya in aanay diyaarada aanay ka soo degi karin dhinaca Run Way-ga Xalane, maadaama diyaarada ay weyn tahay, taas bedelkeed ay muhiim tahay inay dhanka Afisyoone ka soo degto. Sidoo kale ma jiraan wax hadaal ah oo ka soo baxay wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka, waxayana arintaan imaanaysaa maalintii labaad. Waxaa lagu wadaa in Diyaarada afrika ay ka qaado caawa Garoonka Nairobi Rakaabkaas, oo subixii ay ka dagi doonaan Garoonka Muqdisho. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com cabdixakiin441@hotmail.com cabdixakiin@nuxur.com
Magaalada Hargaysa iyo Gobolada ku Xeeran ee Somaliland sida Burco, Berbera, Boorame iyo daafaha dunida ayaa maanta laga Xusay maalintii ay go’da Soomaaliya oo ku beegan 18- may oo maanta ah. Boqolaal dadweyne ah ayaa waxay iskugu soo baxeen Beerta Xoriyada oo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada Somalilan, waxaana la hadlay Madaxweynaha Somaliland axmed siilaanyo. Madaxweyne siilaanyo ayaa ka hadlay Halkaas, waxa uuna shacabka Somaliland ugu Hanbalyeeyay sida uu sheegay soo Noqoshadii ay Soomaaliya ka soo Noqdeen. Sidoo kale shaqaalaha Dowlada shirkadaha ayaa fasax laba maalin ah waxaa loo siiyay maalintaas, 18-may, oo uu sheegay Madaxweyne siilaanyo in ay tahay maalin ku wayn shacabka somaliland. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com cabdixakiin@nuxur.com Cabdixakiin441@hotmail.com
Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland ayaa mar kale sheegay in Ciidamo ka tirsan Midowga