New york-hobyonet) Golaha amaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar awood dheeri ah siinaya ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ku yaalla geeska africa ee Soomaaliya. Kulankii Xubnaha golaha amaanku ku yeesheen maanta xaruntooda New York ayaa waxaa looga dooday xaaladda dalka Soomaaliya,iyo dadaalka Midowga Africa ugu jiro dib usoo celinta Nabadda iyo horumarka dadka Soomaaliyeed oo marxalado kala duwan ku jira Iminka. Xubnaha Golaha amaanka oo dhan 15 xubnood ayaa si buuxda waxaaa ay ugu codeeyeen qaraaarka in la kordhiyo tirada ciidanka midowga Africa ee Amisom,kuwaasi oo la sheegay in laga dhigayo 17.731 askeri kuwaasi oo taageero dhinacyo kala duwan la siinayo, si ay u wiiqaan awooda ciidanka al-shabaab ee dagaalada kula jira DKMG iyo Amisom. Qaraarka ayaa sidoo kale waxaa Ciidanka Midowga Africa ee jooga Soomaaliya uu siinayaa awood dheeri ah,isla markaana ay qaadi karto dhamaanba talaabooyinka ku haboon ee ay ugu wiiqayaan Shabaab si dowladda KMG ay awoodeedii ugu baahiso dhamaanba dalka sida la yiri. QM ayaa waxaa ay balanqaadeysaa in si buuxda loo taageero ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM dhinaca sahayda,taasi oo looga gol leeyahay sida la yiri iney gudato waajibaadkeeda gudaha dalka Soomaaliya. Qaraarka golaha amaanka ee QM ayaa waxaa sidoo kale loogu baaqey ciidanka AMISOM inay dhowraan dhamaan sharciyada caalamiga ah ee dhanka gar-gaarka ah,iyadoo AMISOM laga codsadey inay abuurto jawi nabdeed oo amaankeeda iyadu gacanta ku heyso. Dhinacyada Soomaaliya ayaa qaraarka waxaa uu ugu baaqayaa inay sii wadaan dadaalka dhinaca nabadda ah iyo sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada dalka Soomaaliya,sidoo kale ururada gobolka iyo heyadaha gargaarka laga codsadey inay sii wadaan howlaha dhinaca gar-gaarka. Ugu danbeyntiina waxaa goluhu uu sheegay iney xoghayaha guud ee QM ka codsanayaan inuu diro gudiyo farsamo oo maareynta iyo ciidanka cusub ee midowga africa ka socda ugu sii sahmiyo,si maamul u sameynta degmooyinka dalka uga shaqeeyaan. Qaraarka golaha amaanja ee QM ugu codeeyey in ciidanka AMISOM la kordhyo ayaa kusoo beegmaya xili dowladda KMG oo Eithiopian kaashanaya ay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ka tiran gobolada Koofureed oo Baydhabo ay ku jirto,waxaana sidoo kale uu imanayaa saacado ka hore shirka balaaran ee arimaha Somaliya oo beri ka furmaya London, kaasi oo ka qeybgalayaan dhamaan dhinacyada siyaasadda dalka iyo Maamul goboleedyada iyo madax ka socota ku dhowaad 45 dal oo caalamka ah. www.hobyonet.com
“Puntland” udub dhexaadka siyaasadda soomaaliya. Farah Warsame Bile1971@hotmail.com Feb 23 2012 Waxaa waayadii dambe dhagaheyga aad ugu soo dhacayay kelmedda ah “Puntland ama Garoowe waa halka siyaasadda soomaaliya laga hago” oo dadyow kala duwan oo siyaasiyiin iyo shacab-ba isugu jira ay ku celcelinayeen. Kelmeddan iyada ah marka meelaha masraxa ah la keeno weli lama hayo qof mucaarada, laakiin in la iska inkiro waa wax suurto-gal ah. Ma la is weydiiyay waxa keenay in ay Puntland sidaa noqoto? Dadka reer Puntland si hoose ayay ula socdeen howlaha baaxadda leh ee maamuladdii kala dambeeyay ay soo qabteen, laakiin nina buug kuma bayaamin, sababtuna waxay aheyd haddii sidaa la yeelo in buunbuunin loo qaato. Mar haddii sidaa loo ogaadayna waxaan jecleystay bal in aan wax uu ka iraahdo inta aan ka ogahay waxyaaabaha keenay in Puntland heerkaa gaarto. Waxaanse ka sii afeefanayaa in inkooban uun aan kala socdo, sababo intaa ka bandanna ay jiraan jirina karaan!. Dhulkan loo yaqaan Puntland wuxuu soo maray marxalado iyo magacyo kala duwan. Waqti aan sidaa u sii fogeyn waxaa la oran jiray Majeerteeniya, intii dowladda la ahaana magacyo gobolo iska caadi ah ayay lahaayeen, burburkiina waxaa lagu magacaabi jiray woqooyi-bari soomaaliya, aakhirkiina waxay isu rogtay Puntland oo illaa iyo hadda loo yaqaan. Magacyadan intii ay jireen waxaa ku hoos noolaa oo ka soo baxayay mar walba dad magac iyo maamuus ku dhex yeeshay bulshada Soomaaliyeed. Laakiin waxaa weli la is weydiinayaa maxaa kallifay in shacabkan hormuud u noqdaan siyaasadda soomaaliya loogana dambeeyo waqtiyadaa kala duwan? Kuwii hore waqti uma heleyno in aan ka sheekeyno oo taa maktabadaha ayay yaallaan oo laga akhrisan karaa bal tan hadda jirta ee Puntland aan Dhowr qodob ama meelood oo aan is-leeyahay wey kamid yihiin wixii gaarsiiyay heerkaa soo qaato.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo caawa saxaafada la hadlayay ayaa sidaas sheegay, waxa uuna ka dhawaajiyay in ay uga baxeen halkaas Xeelad dagaal. “In goob ay qolo ka baxdo oo ay qolo kale qabsato waxay ka mid tahay xeeladaha dagaalada, xeeladaha dagaalada waxaa kaloo ka mid ah wax la-yiraahdo ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaana u sheegeynaa cadowga inaan anaga isaga baxnay Magaaladda Baydhabo, iyagoo aysan soo gaarin ayaanu ka baxnay kol hore” ayuu yiri Sheekh C/Casiis Abuu Muscab. Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu sheegay inaysan sidaasi ku hari doonin, ayna weeraro ka geysan doonaan Magaaladda Baydhabo, isagoo hoosta ka xariiqay inay kala wareegi doonaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ee kala wareegay Magaaladda Baydhabo. www.nuxur.com cabdixakiin@hotmail.com
Carmo[RBC Radio] Munaasabad balaaran oo ay kula kala wareegayeen Xilalka Guddoomiyihii hore ee degmada Carmo Cawad Xuseen Cali iyo Kan Cusub Ibraahim Shire Maxamed ayaa maanta ka dhacday degmada Carmo ee gobolka Bari. Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa Xafladii Xil wareejinta,waxaana si weyn uga qeybqaatay soo dhaweynta Wafdiga dhamaan qeybaha kala duwan ee Shacabka ku dhaqan degmada Carmo. Guddoomiyihii hore ee degmada Carmo Cawad Xuseen Cali oo ka hadlay Xafladda ayaa ka sheekeeyey mudadii uu hoggaanka degmada hayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay degmadu isagoona xusay in wax weyn uu ka qabtay horumarka degmada. ……..”Degmada waxaa la isoo magacaabay 23.6.2005 maantana waxa weeye 22.2.2012 intaas waxaan ahaa Guddoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaan la kowsaday Maamulkii kan ka horeeyey ee Puntland ee u hoggaaminayey Jeneraal Cadde ,dhismihii bilowgii Akadamiyada Tababarka Ciidaanka ee Carmo taasoo sida la sheegayba ay ka baxeen 5000 askari. Guddoomiyaha Cusub ee degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed oo isna kasoo jeediyey Munaasabada ayaa ka hadlay qorshihiisa waxqabad ee degmada Carmo,wuxuuna ka codsaday bulshada kunool degmada in ay ula shaqeeyaan si ka wanaagsan sidii Guddoomiyihii hore. Sidoo kale waxa uu balan-qaaday inta uu hayo Maamulka degmada in ku samayn doono isbadel la taaban karo kaabayaasha dhanka bulshada ee ay u baahanyihiin dadka reer Carmo isagoo u kala qaaday: 01. Dhisida Cisbitaal guud. 02. Furda MCH-yada iyo hawlgelinta shaqaalihii ka shaqeyn lahaa. 03. Hirgelinta Jaamacado,Koleejyo ay yeekato degmada Carmo ee gobolka Bari. 04. Furida iyo balaarinta wadooyinka degmada. 05. Qodida Ceelal leh biyo macaan oo ay magaaladu yeelato si dadku uga faa’ideystaan xiliyada Xagaaga ah. 06. Qurxinta magaalada Carmo sida in la dhirayeeyo oo lagu beero geedo qurux badan. 07. Yagleelida ama dhisida gole deegaan oo ay yeelato degmada Carmo waxna lagu doorto [One Man One Vote]. 08 . Ka hortagida iyo la dagaalanka Burcadbadeeda iyo Argagaxisada. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay Xil wareejinta ayaa sheegay in talada maamulkeedu uu tahay wareegto qofba maalin loo dhiibayo si bulshada wax ugu qabto isagoona si aad ah amaan ugu soo jeediyey Guddoomiyihii hore ee degmada Cawad Xuseen Cali. ……..”‘ Xilku waa meerto maalinba ninbaa jooga Cawad wuxuu ahaa nin oday ah wakhti badan shaqeeyey qabtayna shaqo badan aan la inkiri karin,qarsoomi karin idinkuna aad raali ka tihiin reer Carmow,waxaan leeyahay Guddoomiyihii hore mudane Cawad Xuseen waad shaqeysay oo Oaday shaqo wanaagsan qabtay baad tahay dad badani ay barteen,waxaan ku rajeynayaa Mustaqabalka xil xilkan ka weyn oo aad u qabato shacabka….” ayuu yiri Maxamuud Xayir. Liibaan Yuusuf Maxamed[Liibaan Dhere] oo kamid ah ganacsatada ugu waa weyn Puntland ayaa tilmaamay in maanta ay tahay markii ugu horeysay oo ay shacabka reer Carmo indhahooda ku arkaan Guddoomiyaal la kala wareegaya xilal taasina ay tahay talaabo loo qaaday wadadii horumarka. …….”‘Waxaan u malaynayaa in ay tahay markii ugu horeysay oo Gudoomiyaal la kala wareegaan xilka oo ay arkaan shacabka reer Carmo,waxaana idin ku xigi doonta golihii deegaanka oo aad keensaneysaan soona doorateen idin kana soo dhex bixi doonaan cidii hoggaamin lahayd taasina ay tahay horumar cusub oo idin furmay ….” ayuu yiri. Intii ay socotay Munaasabadu ayaa waxaa xusid mudan in ay hadalo soo dhaweyn ah ay kasoo Jeediyeen Guddoomiyaasha Tuulooyinka hoos yimaada degmada Carmo ee gobolka Bari,haween iyo dhalinyaro kuwaas oo dhamaantood ka rajeeyey in Maamulka cusub uu la yimaado wax qabad dhab ah oo la taaban karo ayna la shaqeynayaa. Gabagabadii ayaa waxaa soo xiray Munaasabada Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo ka codsaday in shacabka ku dhaqan Carmo ay si daacad ah ula shaqeeyaan Maamulka cusub,wuxuuna balan-qaaday in gobol ahaan si weyn u garab istaagayaan. Si kastaba Maamulkan ayaa noqonaya kii 3-aad oo ay yeelato degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana muddo 7-sano ku dhawaad ah Guddoomiye ka ahaa Cawad Xuseen Cali oo la oran karo isbadel muuqda ayuu ka sameeyey degmada. Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii ay Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa Itobiya kula Wareegeen Galabta magaalada Baydhabo oo Xudun Milatari u ahayd alshabaab. Ciidamada is garab sanaya ayaa la sheegay in ay iska caabin kala Kulmeen meel u jirta Magaaladaas 30-KM, waxaana la sheegay in uu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad sodon Daqiiqo. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya caawa magaaladaas, Waxaana la sheegay in ay Ciidamada Itobiya iyo kuwa Dowlada KMG ay isku balaariyeen Halkaas. Dadka dagan Magaalada ayaa galabta Waqti hore magaalada iskaga baxay kuwaas oo aaday Guryahooda, maadaama magaalada ay Gashay Jawi Cusdub. Sidoo kale lama oga meesha ay u dhaqaaqeen Maleeshiyaadka shabaab ee halkaas joogay 3-dii sano ee la soo dhaafay. Cabdixakiin Cilmi Xasan www.Nuxur.com Email-Cabdixakiin@nuxur.com Maamulka@nuxur.com