Nelson Mandela oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidaan xusuus qorkiisa ku qoray:

“Markaan madaxweynaha noqday qaar kamid ah ilaaladeyda ayaan ka codsaday in ay socod igula soo maraan qeybo kamid ah magaalada Johannesberg. Markii aan cabaar magaalada soo marmarnay ayaan galnay maqaayad, waan fadhiisannay oo dalbanay cunto aan ku qadeyno, Intii aan kabalyeeriga sugeynay ayaa isheydu ku qabatay nin kaligiis fadhiya miis horteyda yaallay, sugayana cunto uu dalbaday.

Mid kamid ah ilaaladeyda ayaan ku amray, in uu ninkaas u tago, oo u yiraa kaalay oo nala qadee.

Ninkii waa uu noo yimid dhinaceyga ayaana fariisiyey, waxaana billownay in aan cuntada cunno. Ninkii dhidid badan ayaa ka yimid illaa uu dharkiisu qoyey, waxa uuna billaabay in uu jareeyo heer uu gacantiisa afka gaarsiin waayey.

Markii aan cuntada dhammeysannay oo aan soo kala tagnay, ayuu waardiyaheyga qaaska ah igu yiri,” Ninkii nala cunteynayey aad ayuu u xanuunsanaa waana uu jareynayey, cuno badan na ma cuni karin!” Waxaan ku iri, “Maya.

Sida aad umaleysay ma ahan ee, ninkaan waxa uu ilaalin jiray xabsigii aan ku xirnaa intii aanan madaxweynaha noqon, oo inta badan waa uu i garaaci jiray, waliba si naxriis darro ah, marka aan xanuunsadana waxaan ka codsan jiray in uu biyo ii keeno! Surwaalka ayuu furan jiray madaxa ayuuna iga kaadin jiray markasta, sidaas darteed ayuu uga cabsanayaa anna in aan sidiisa oo kale ula dhaqmo, oo ugu yaraan aan ka aarsado ama aan xiro.

Balse taasi ma ahan dhaqankeyga iyo akhlaaqdeyda, waayo caqliyadda aargoosigu dowlad ma dhisi karto, halka caqliyadda saamaxa iyo is- cafintuna ay ummad dhisi karto”.

Hussein Carab

Let’s block ads! (Why?)