Nadiifiye Duuliye isku badalay Biloote- Book one=La Yaab=

Wiil ka shaqeeya Nadaafadda Dayaaradaha, ayaa kursiga duuliyaha hoostiisa Ku arkay, Book cinwaankiisu yahay ( Barashada duuliyanimada).

Waxa uu ku fadhiisatay kursigii duuliyaha, waxa uuna la soo baxay Buugii.

Page 1. waxaa Ku qoran si aad u kiciso dayaaradda Riix Botonka Cagaaran.waa riixyay waxaa dhaqaaqay engine-kii (Matorkii) dayaarda. Waxaa hoos ku qoran fiiri bogga 2aad.

Page 2. waxaa ku qoran, si dayaaraddu ugu cararto waddada ( Run way-ga), Riix botonka Jaalaha ah, waa riixyay dayaaraddii wadaddii ayey Ku carartay. Hoos waxaa Ku qoran fiiri Bogga 3aad.

Page 3. Waxaa ku qoran si dayaaraddu hawada u gasho riix botonka guduudan, Waa riixay dayaaraddii howada ayey gashay, aad ayuu u farxay, 30 daqiiqo kadib ayuu damcay in uu dajiyo. Hoos waxaa Ku qoran fiiri Bogga 4aad.

Page 4. waxaa Ku qoran, sii aad u dajiso dayaaradda soo iibso Book 2 waxaa laga helaa dukaanka “Duuliye book shop” oo Ku dhaxyaal Airportka.

Wiilkii maanta ayaa la soo Aasay AUN.

Ar Siyaasadda Somalidaa….. Ciyaalka Siyaasida book one aqristay ……Mar uun xil ii dhiib…….. Sidey u dajin doonaan dayaaradda………. ma ogi.

FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay, wixii khaldan iga sax.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)