Muxuu Sameeyn lahaa Siyaasiga Somaliga ah Hddii…?

Siyaasiga Somaliga ah haddii taladaan loo Soo jeediyo muxuu Ku jawaabi lahaa?

Dagaalkii Xukunka Ku saabsanaa ee Dhaxmaray Saiyd Cali Bin Abii Dalib iyo Macaawiye, ayaa waxaa maqlay Boqorkii Qeysar Hirqal ee Gaalada Madaxa u ahaa.warqadan ayuuna u Soo qoray Macaawiye

Ka: Qeysar kii Rome.
Ku: Macaawiye.

Waxaan maqalnay wixii Idin dhax maray Adinka iyo Cali Bin Abii Dalib.waxaana noo muuqda in Adinku aad uga Xaq leedihiin Xukunka Khilaafada. Haddii aad i amarto waxaan kuu Soo dirayaa, Ciidan kuu keena Cali Madaxiisa.

Waa u jawaabay.

Ka: Macaawiye
Ku: Hirqal

Laba walaalo ah ayaa is murmay, Adiga maxaa kaaga jiro in aad dhax gasho wixii dhaxdooda ah? Haddii Aadan Ka joogin waxaan kuu Soo diraa Ciidan Kan u horeeyo uu agtaada joogo Kan u dambeeyana uu agteyda joogo, si ey iigu keenaan Madaxaaga oo aan ugu geeyo walaalkeey Cali. ( F.S: 1aad)

Haddii maanta Laba Siyaasi uu Somali ah oo Xukun isku heeysta midkood uu gaal u Soo diri lahaa warqadaan,uu Ku leeyahay aan walaalkaa kula dilo, Muxuu Ku jawaabi lahaa Siyaasiga Somaligu?

Ad lee buuxi.

Ka: Siyaasi Somali ah.

Ku: Gaalka Saaxiibkeey ah.

Ujeedo……………………………………

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)