Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doortay Guddoomiye Maxkamada Caalamiga ee The Hague.

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo Saddexdii sano ee lasoo dhaafay ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ayaa loo doortay Gudoomiyaha Maxkamadaasi.

Xarunta Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ayaa ku taalla Magaalada The Hague ee Dalka Holland, wuxuuna ku guuleystay Doorasho Maanta dhacday oo uu u tartamay.

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa waday dhaq-dhaqaaqyada uu ku doonaye In uu ku hanto xilkaan, ugu dambeyn uu maanta ku guuleystay.

Xilka waxa uu heyn doonaa Cabdiqawi Saddexda sano ee soo socota, waana garsoore Caalami ah oo xilal kala duwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin:-

Hay’adda Waxbarashada Qaramada Midoobe u qaabilsan ee loosoo gaabiyo UNESCO, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Warshadaha ee UNIDO, iyo u qaabilsanaha Shirka Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta UNCTAD.

Cabdiqawi ayaa Maxkamadda Caalamga ee Caaladda Aduunka ku biiray 6-dii February 2009, waxa uuna Kulliyadda Sharciga ka bartay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Xarunteedu Muqdisho.

Waxa uuna Doctor International Law ka qaatay Jaamacadda Geneva ee dalka Switzerland, waxa uuna dhashay 12-kii September sanadkii 1948, da’diisu waa  (69-jir), isagoona ku dhashay Magaalada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Cabdiqawi ayaa kamid ahaa Garsoorayaashii ka qeyb galay Dacwad badeeddii dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waline kiiskaasi uu horyaallo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Aduunka.

Let’s block ads! (Why?)