Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku geeriyootay xabsiyada Liibiya.

Mid ka mid ah tahriibayaahsa soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Tariibul ee dalka liibiya ayaa BBC-da u sheegay in ku dhowaad 800 oo ruux soomaali ah ay ku suganyihiin caasimdda dalka liibiya, kuwaasi oo 20 kamid ah ku sheegay inay u geeriyoodeen xanuunno soo wajahay, kaddib markii lagu xiray xabsiyada dalkaasi.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku jirta Xabsiyada ayaa sheegaya in muddo sanad iyo bar ah aysan Iftiinka arkin,waxaana ay sidoo kale dhaliil u jeediyeen Hay’adda UNHCR oo ay ku dhaliileen in kaliya dadka u dhashay Eritrea ay ka saaraan Xabsiyada.

Sidoo kale Qaxootiga Soomaalida ayaa dalbaday in gar gaar ah deg deg ah lala soo gaaro.

Let’s block ads! (Why?)