Miskiin Allaa u Maqan! {Baarlamaanka oo ka Xoroobay Fadhi Xumadii Haysatey}

Wey soo sabreen, meel aan u qalmin ayay in muddo ah ku soo shaqeynayeen, waqti dheer ayay iska dhex fadhiyeen hool Garaash u ahaa xaruntii Golaha Shacbiga ee Dawladdii Maxamed Siyaad, Fool-xumada goobtaas ka muuqata darteed marka Kalfafhiyada Baarlamaanka la furayo waa laga wareejin jirey, si aaney uga #Nixin Madaxda caalamka ee furitaannadaasi ka soo qeyb galaysa!

Sabraa sedkiisa hela! Dhawr sanno kadib waxaa maanta Baarlamaanka Soomaaliya u suura gashey inuu helo fadhi ka qurux, wanaag iyo soo jiidasho fiican midkii ay caanka ku ahaayeen, xarun cusub oo ku dhex taalo Villa Hargeysa oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayay saakay markii ugu horeysay ka shaqo bilaabeen, illaa iyo xad si haboon ayaa xaruntaan loo qalabeeyay!

Muuqaal qurux badan ayay yeesheen Xildhibaannadii isku dhex yaacsanaan jirey, farxad ayaa wajiydooda ka muuqatay, sharaftoodii ayaa dib u soo laabatey, Madax Qaran ayay u ekaadeen, waxay isugu hambalyeeynayeen fadhiga ay heleen, qaar ka mid ah Mudanayaashaas oo Saxaafadda la hadlay ayaa Dawladda Turkiga uga mahadnaqay fadhiga ay u qaabeysay, tan iyo inta laga dhisayo Golahoodii hore.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay fadhiga ay heleen Xildhibaannada Baarlamaanka, tallooyin ku aadan inay dhawraan xaruntasi ayaa loo jeediyay, waxaana looga digay inaaney xaruntaasi ku dhex dagaalamin haddii ay yeesheen Dood kulul oo ay ku kala aragti duwan yihiin!

#Horaa_loo_Soconyaa!

Shiiqaaloow Xassan

Let’s block ads! (Why?)