Maydka Kaaliyaha Taliyaha Boliska AMISOM oo laga helay Muqdisho

Maydka Sarkaal u dhashay Uganda kana tirsanaa Boliska AMISOM ayaa waxaa shalay laga helay guri uu ka deganaa Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Xerada Xalane ee magaallada Muqdisho.

Shabakadda Wararka Uganda ee PML waxay maanta qortay inay Saraakiisha Boliska AMISOM xaqiijiyeen geerida Sarkaalkaasi oo la oran horey Edward Bagonza.

Sarkaalkaasi oo ahaa Kaaliyaha Taliyaha Boliska ee Hawlgalka AMISOM waxaa maydkiisa shalay oo Sabti ahayd laga helay gurigiisa, sida laga soo xigtay Agaasimaha Boliska ee Taageerida Hawlgalada Nabadda AIGP, Grace Turyagumanawe.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Turyangumanawe ayuu ku xaqiijiyey geerida kediska ee ku timid Sarkaalkaasi, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixinin waxa ka soo baxay Baaritaankooda.

Waxa kale oo uu xusay inay Taliska Hoggaaminta ee AMISOM ku hawlan yihiin qabanqaabadda Aaska Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale, ilaa 13 Bolis u dhashay Uganda ayaa bilowgii sannadkan ku soo diray Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee Somalia ee hoos-taga Taliska AMISOM, waxayna ka hawl-galaan sugida Ammaanka Garoonka Caalamiga we Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo inay Ciiddanka Boliska Somalia u tababaraan soo-celinta Sharciga iyo Amarka.

Uganda waa dalkii u horreeyey ee ciiddamo u soo diray Somalia sannadkii 2007-dii, waxayna lafdhabar muhiim ah u yihiin Hawlgalka AMISOM.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin

Xigasho: PML MEDIA, UGANDA

Let’s block ads! (Why?)