Maxkamadda Ciidamada oo Xukun dil ah saakay Fulisay+Sawiro

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Saakay Xukun Dil ah ku fuliyay C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa Ninkii waday Gaarigii ku Qarxay Suuqa Beerta Ee Degmada Waabari 27-kii November 2016.


Ninkaan saakay la dilay C/qaadir Cabdi ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay Xukun Dil ah ugu Xukuntay,iyadoo Saakay lagu Fuliyay Xukunka Dilka ah.
Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari waxaa ku dhintay in ka badan 30 Ruux oo Shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 kale.
Dhanka kale Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku dhigay C/qaadir Cabdi Xasan maalintaasi xilli uu Gaariga soo dhigay Suuqa Beerta,waxaana Gaarigii uu halkaas soo dhigay Qarxiyay Nin kale oo la socday, balse ka baxsaday Gacanta Ciidamada.

Short URL: http://somaliweyn.org/?p=2875

Posted by
on May 18 2017. Filed under Wararka .
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 .
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Let’s block ads! (Why?)