Maxaa looga hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta ?

Xildhibaanada golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh xarunta Baarlamaanka, waxaana ay sidii caadada aheyd ka doodi doonaan sharciyo horyaala oo loo madalsanyahay in ay wax ka badalaan deetana ay ansixiyaan.

Sida Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho wararka ku heleyso waxaa kulanka Golaha shacabka ee maanta lagaga hadli doonaa labbo ajendo oo kala ah Aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sii wadista codeynta ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii dambe joogteeyay kulamadooda ay kaga doodayaan ajendayaal horyaalla.

Let’s block ads! (Why?)