Maxaa ka jira in Ukunta ay keento wadne xanuun?

Xilli ay dalal badan shacabkooda ku boorriyeen inay guryaha joogaan, si looga hortago faafitaanka cudurka Covid-19, in badan oo naga mid ah waxay mudnaan gooni ah siinayaan raashinka aan cunno iyo sida uu caafimaadkeenna waxtar ugu leeyahay.

Saaxiibbadeenna ka shaqeeya laanta BBC ee ka faalloota raashinka ayaa diiradda saaraya sidii ay dadka uga caawin lahaayeen inay wax ka fahmaan faa’iidada iyo waxyeellada ku jirta cuntooyinka ugu badan ee la isticmaalo.

Mid ka mid ah waxyaabaha gaarka loo eegayo waxaa ka mid ah Ukunta. Ma dhab baa in ukuntu ay sababto wadne xanuun?

Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda ugu sarreysa. Mar kasta waa diyaar, way fududdahay in la kariyo, way qiimo jaban tahay, waxaana ka buuxa nafaqooyiin kala duwan.

“Ukunta waa shay ka wanaagsan cunto kasta, waxayna kobcisaa unugyada jirka. Waxay si muuqata uga sameysan tahay nafaqo aad u badan,” ayuu yiri Christopher Blesso, oo cilmiga seyniska nafaqada ka dhiga jaamacadda Connecticut ee dalka Mareykanka.

In aan cunno ukun lagu daray cuntooyiin kale waxay jirkeena ka caawinayaan in aan helno fitamiinno kala duwan. Tusaale ahaan, Cilmi baaris ayaa sheegtay in ukun aan ku darsanno saladh aan ka heleyno fitamiin E aad u badan.

Balse, muddo tobannaan sano ah, cunidda ukunta waxay noqotay mid muran dhalisa, taas oo ay ugu wacan tahay kolesteroolka badan ee ku jira – oo dhowr cilmi baaris ay la xiriiriyeen halista ah in ay sare u kacaan xanuunada ku dhaca wadnaha.

Hal xabo oo ukun ah waxaa ku jira qiyaas ahaan 185 miligaran oo kolestorool ah, taas oo ah kala bar 300mg ee la qaadan karo halkii maalin, midaa oo ahayd arrin illaa dhawaan dhiiragelineysay hay’adda cuntada Mareykanka.

Taas micneheedu ma wuxuu yahay in ukunta ay inoo tahay cuntada ugu wanaagsan, mise mid dhibaato inoo geysaneysa?

Kolestoroolka oo ah dufan jaalle ah oo ay soo saaraan keliyaha iyo xiidmaha, waxaa laga heli karaa unugyada ku jira qof kasta jirkiisa. Waxaan aalaaba u qaadannaa in ay “xun tahay”. Balse kolestoroolka wuxuu muhiim u yahay dhismaha qeybaha unugyada xuubka jirka. Sidoo kale waxaa u baahan korkeena si fitamiin D uu u sameysmo iyo hannaanka difaaca jirka.

.

kolestoroolka waxaa laga helayaa wax soo saarka xoolaha sida hilibka lo’da iyo ukunta

Jirkeena wuxuu iskiis u sameystaa kolestoroolka uu u baahan yahay, waxaanna sidoo kale ka helnaa waxyaabaha aan cunno sida hilibka lo’da, ukunta iyo qaar ka mid ah noolayaasha badda, waxaan si la mid ah ka helnaa farmaatada iyo burcadka.

Kolestorool waxaa gudbiya qeyb ka mid ah dufanka jirkeena ku jira ee xinjiraha dhiigga. Qof kasta wuxuu leeyahay waxyaabo u gaar ah oo dufinkaas ka mid ah, waana mid shaqsiyadeed sida ay uga qeyb qaadato in ay halis wadna xannuun ah qofka ku sababto.

Cufnaanta hooseysa ee dufinka loo garanayo LDL ee kolestoroolka – wuxuu noo soo gudbiyaa “dhibaato” kolestorool ah – taas oo ka timaada kelida una gudubta halbowlayaasha iyo xuubka cad ee jirka. Cilmi baarayaasha waxay sheegeen in taas ay saameyn karto kolestorool dhexgala xididada, ayna sare u qaaddo halista ka dhalata cudurrada wadnaha.

Balse baarayaasha caafimaadka si dhab ah uma aysan wada xiriirin in cunidda waxyaabo kolestoroolka leh ay sare u qaadayaan xannuunada ku dhaca wadnaha. Natiijo ahaan, talooyiinka qaabka cunatada Mareykanka waalaga saaray in la xakameeyo kolestoroolka; sidoo kale midda UK ayaa laga saaray.

Taasi bedelkeeda waxay ku talinayaan in aan xadidno qiyaasta cuntada dufinka leh ee aan cuneyno, kaas oo sare u qaadi kara halista loogu jiro xanuunada wadnaha.

Cuntooyiinka laga qaadi karo waxaa ka mid ah kuwa sida aan caadiga ahayn loo kariyay sida margarines, cuntooyiinka fudud, kuwa sida aadka ah loo dubay ama loo shiilay sida burka, hilibka digaagga iyo doolshada ama keegga.

.

Qaar ka mid ah cuntooyinka aad loo shiilo, ee ka kooban dufanka waxay kordhin karaan Kolestorool qeybihiisa xun ama waxyeellada leh

Sidoo kale, ukunta iyo qaar ka mid ah noolaha yaryar ee badda, waa cuntooyiinka keli ah ee kolestoroolka uu ku badan yahay, haddana aan lahayn dufan badan.

Doodda ku saabsan saameynta caafimaad ee ukunta ayaa qeyb ahaan dhan kale u wareegtay, sababtoo ah jirkeena wuxuu magdhow ka bixin karaa kolestoroolka aan cunno.

“Waxaa jira hannaano u diyaarsan in ay kolestoroolka aan cunno uusan dhibaato geysan,” ayey tiri Elizabeth Johnson, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tufts ee Boston.

Dib u eegid 2015-kii lagu sameeyay ilaa 40 cilmi baaris, Johnson iyo kooxdii kale way ku adkaatay in ay helaan caddeyn soo afjareysa xiriirka ka dhexeeya kolestoroolka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.

.

“Bini-aadamka wuxuu leeyahay qaabab wanaagsan ee cunidda kolestoroolka, wuxuuna jirka soo saaraa kolestorool aad u yar,” ayey tiri.

Marka ukunta laga hadlayo, kolestoroolka waxaa suuragal ah in uu yareeyo halista caafimaad. Kolestoroolka wuxuu dhibaato badan yahay marka uu ku dhex milmo halbowlayaasha dhiigga, balse arrintaas oo kale ma sababo kolestoroolka ku jira ukunta, ayuu yiri Blesso.

“Dadku waa in ay ka walwalaan kolestoroolka ku jira dhiigga, kaas oo ah midka sababa wadna xanuunka,” ayuu yiri Fernandez.

.
Mid ka mid ah daraasadaha ayaa lagu sheegay in kala bar ukun ah oo dheeraad ah maalin kasta ay sare u qaadi karto halis ku saabsan wadne xanuun

Cilmi baarayaal ayaa horraantii sannadkan daabacay, dhibaatada ukunta, inkastoo arrintaan lagu beeniyay midkale oo dhowaan laga sameeyay ukunta in aysan wax dhib ah u lahan caafimaadkeena.

Baarayaashaas waxay eegeen illaa 30 kun oo qof oo da’dooda ay tahay 17 sano, waxayna ogaadeen in wax ka badan hal ukun maalintii ay halis wadna xanuun ah keeneyso ayna sababi karto geeri.

“Waxaa kale oo aan ogaannay in hal ukun barkeed oo maalintii dheeraad ah ay 6% boqolkiiba sababayso xanuun wadnaha ku dhaca iyo 8% boqolkiiba oo sare u kaca geeri ah”.

Inkastoo cilmi baaristaa ay ahayd middii ugu ballaarneyd ee xiriirisa ukunta iyo wadna xanuunka, haddana waxay ku koobneyd qiimeyn oo keli ah, mana aysan bixin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa saameynta iyo sababta.

.

Maadada Choline, oo laga helo ukunta, waxay naga difaaci kartaa cudurka Alzheimer

Baaritaankaas wuxuu ka hor yimid natiijooyiinkii hore. Waxay kuwii hore qaar ka mid ah soo qaateen in ukunta ay u wanaagsan tahay caafimaadka wadnaha.

Falanqeyn hore oo lagu sameeyay illaa nus milyan qof oo Shiinaha deggan, sannadkii 2018-kii, waxaa lagu ogaaday in cunista ukunta ay yareyso cudurrada ku dhaca wadnaha.

Dadka ukunta cuna, waxay 18% hoos uga dhigeysaa xanuunada wadnaha ee ku dhici lahaa, waxayna sidoo kale 28% yareyneysaa cudurka faaligga ama shalalka (stroke) ee loo dhinto. Waxaa taas lagu ogaaday isbarbardhig lagu sameeyay kuwa aan ukunta cunin.

Ukunta wanaagsan

Inkasta oo baaritaannadaas caafimaad ay ifiyeen doodda ah saameynta uu kolestoroolka ukunta caafimaadkeena ku leeyahay, haddana waxaan ognahay qaabab kale oo ukunta ay saameyn ugu yeelato caafimaadkeena iyo halista cudurada.

Hal arrin waa midda ah waxa ay ukunta ka kooban tahay ee loo garanayo choline, taas oo ay suuragal tahay in ay ka hortagto cudurka Alzheimer-ka oo ah xanuun dhibaateeya xusuusta iyo shaqooyiinka kale ee maskaxda. Waxay sidoo kale difaacdaa kellida.

.
Qeybta jaallaha ah ama dhexe ee ukunta waxay leedahay maaddo lagu sheegay inay aragtida indhaha xoojiso

Waxaa sidoo kale suuragal ah in ay saameyn xun yeelato. Choline waxaa gudbiya dheef-shiidka caloosha, waxayna u sii gudbisaa kellida oo sii bedesha wax loo garanayo TMAO, kaas oo ah unug lala xiriiriyo sare u kaca cudurada wadnaha.

Cilmi baarayaasha qiimeynaya cunidda ukunta iyo TMAO, waxay illaa iyo hadda ogaadeen oo keli ah in sare u kac ku meel gaar ah uu yahay TMAO. Si kastaba, TMAO waxaa lagu qiyaasaa astaanta wadne xanuunka oo ah heer gundhig ah, taas oo la ogaan karo marka dadka ay sooman yihiin.

Taasi waxay sabab u noqon kartaa marka aan ukunta cunno, in ay suuragal tahay in Choline ay saameyn faa’iido ah nagu yeelato, ayuu yiri.

“Balse choline-ka ukunta way baaba’daa umana gudubto xiidmaha jirka, haddaba ma sababi karto halis caafimaad”, ayuu hadalka ku sii daray

“Waxaa jiro laba nooc oo lutein ah oo laga helo qeybta dambe ee bu’da ama barta madow ee isha, halkaas oo ay ka difaaci karto dhibaatada iftiinka. Waxay u shaqeyneysa sida kala shaadheeyaha ifteenka buluugga ah. Iftiinka badanna wuxuu saameeyaan aragga isha,” ayuu yiri Johnson.

Iyadoo weli ay baarayaasha cilmiga caafimaadka isku dayayaan in ay fahmaan sababta ay ukunta inoogu leedahay saameyn kala duwan, haddana baaritaannada faraha badan ee dhowaanahan, waxay ku talinayaan in aysan dhibaato u lahayn caafimaadkeena, ayna si aad ah ugu badan tahay in faa’idooyiin caafimaad aan ka helno.

Inkastoo taa ay jirto, haddana in subax kasta aad ku quraacato ukun keligeed ma ahan arrin caafimaadka u fiican – ugu yaraan waa inaan waxyaabo kala duwan cunno sida lagu taliyay… halkii saxankaaga ukun oo keli ah ay ka buuxi lahayd”.

Xigasho:BBCSomali

Let’s block ads! (Why?)