Maqaam U Samaynta Magaalada Muqdisho

Maqaamka U Samaynta Magaalada Muqdisho

Waxaan doonayaa in madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed aan u soo bandhigo guuxa shacabka gobolka Banaadir ee ku saabsan Maqaam u Samaynta gobolka Banaadir.

Khilaaf iyo shaki kama taagna in gobolka Banaadir Maqaam loo sameeyo sida maamulada kala ee dalka ka jira. Waxaase loo baahan yahay in dhabo sharci ah loo maro, si maamul xalaal ah loo helo oo ummaddda Soomaaliyeed oo dhan ay raali ka tahay.

Madaxweynaha dawlada Federaalka ayaa looga fadhiyaa in uu xaqiijiyo in maqaamka iyo maamulka ay yeelaynayso gobolka Banaadir uu yahay mid xalaal ah oo loo maray dhabo sax ah oo sharciga waafaqsan.

Waxaa kaloo looga fadhiyaa labada gole ee Baarlamaanka inay xaqiijiyaan oo ilaaliyaan, sida uu qorayo dastuurka ku meel gaarka ah in maqaamka iyo maamulka gobolka Banaadir ay yeelanayso uu yahay mid matala beelaha ku abtirsada gobolka Banaadir.

Maamul goboleedada hadda ka jira waxaa soo dhistay dadka degaanadaas ku nool. Gobolka Banaadirna waa in ay dadka ama qabaa’ilada Aalu-Baytka ah ee degaan ahaan ku abtirsada ay soo dhisaan maamulka gobolka Banaadir yeelanayo.

Madaxweynihii hore, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa diiday in uu maamul u sameeyo gobolka Banaadir, ka dib markuu arkay in maqaam u samaynta gobolka Banaadir ay horboodayaan dad aan u dhalan, ama asal ahaan aan degaan ku lahayn gobolka Banaadir.

Dadkaa iyaga ah ee doonaya in ay afduubtaan maqaam u samaynta Muqdisho kama hor imaan karin mudane Xasan Shiikh Maxamuud, maadaama uu ka soo jeedo beesha Mudulood oo degaan ku leh gobolka Banaadir.

Hase yeeshee waxay fursad u helayn inay soo nooleeyaan hadafkoodi maqaam u samaynta Muqdisho markii Farmaajo oo Mareexaan ku abtirsada loo doortay Madaxweyne, oo aan degaan ku lahayn gobolka Banaadir.

Durbadiiba waxay bilaabayn inay qabtaan shirar ay leeyiihiin waxaa la joogaa waqtigi gobolka Banaadir Maamul loo samayna lahaa. Waxay kaloo bilaabayn inay isticmaalaan ama mak-rafoon ka dhigtaan shaqsiyaad magac ku leh beesha Mudulood, sida Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Waa kuma Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow? Jawaab: Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow waa Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Maqrib iyo Marshiq, afarta jiho ee Soomaalyana, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, waxaa kaloo loo yaqaan in uu yahay Dagaal Ooge.

Su’aal: Oo maxaa keenay oo ku kalifay, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, in uu noqdo Dagaal Ooge? Jawaab: Waxaa keenay in, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, uu noqdo ama loogu yeero “Dagaal Ooge” marki beesha Mudulood ee uu ka dhashay oo degta gobolka Banaadir, ay beel ka timid Mudug iyo Galguduud, ay dagaal ku qaaday beesha uu ka soo jeedo, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, iskuna dayday inay ka saaraan oo xoog kula wareegaan gobolka Banaadir.

Hantidi ummadda ayeey Bililiqaystaan, burbur aan la aragna weey u gaystayn shacabka Soomaaliyeed. Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadki beesha Mudulood hogaaminaayay ee ka dhiidhiyey in degaan-kooda beel aan u dhalan ay dagaal iyo fitno kula wareegto.

Sidaas ayuu ku mutaystay, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, bilada Dagaal Ooge. Shaqsi caadi ah oo ka dhiidhiyey fidnada dadkiisa lagu hayo.

Dagaal Ooge, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, iyo dadkiisa uma suurta galin in ay ka guulaystaan dadki cadowga ku ahaa ee degaankooda duulaanka ku soo qaaday. Waxaase u suurta gashay inay isku difaacaan xaafado dheleh(yar) oo ka tirsan Muqdisho, sida Kaaraan,Yaaqshiid iwm. Magaalada inteeda kale waxaa la wareegay dadki Galguduud iyo mudug laga soo daabulay oo beenta loo sheegay ee la yiri” wadankaan qabsanaynaa”.

Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, waxaa maanta loo adeegsanaayaa ama loo isticmaalayaa Hadafkii fashilmay ee 1991. Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow iyo shaqsiyaad kale oo Mudullod ah, ayaa lagu beer laxaw-sanayaa “Hadaan nahay Hiraab ama Hawiye”, waa in aan Maamul u samaysanaa gobolka Banaadir.

Hantidi dawlada ayaa lala wareegay. Dhulki dawlada lahayd ee ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa lala wareegay oo la dhistay.

Tusaale: Warshadi daawada oo dawlada lahayd ayaa la bililiqaystay. Ka dib markii la qaatay wixii yiilay warshada Daawada, ayaa hadana dhulki ay ku fadhiday warshada ayaa la degay oo waraaqo loo samaystay. Hantid dawlada dhexe lahayd sida garoomadi kooxaha cayaartooyda, Wagad,Jeenyo, Madbacada iwm ayaa la degay, ka dibna waraaqo loo samaysat oo la yiri Duqa magaalada ayaa ii sharciyey. Taas suurta gal ma’aha.

Dawladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre, waxaa jiray sharci ah, “haddii dhul dan guud loola wareego, ka dibna dawlada ay ka maaranto dhulkaa, waa in dadki laga la wareegay loo celiyaa.

Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow iyo shaqsiyaadka kale ee lagu awr kacsanaayo, ee la leeyahay haddaan Hiraab nahay ama Hawiye, waxaan uga digayaa inay ka dig-toonaadaan arrinta maamul u samaynta gobolka Banaadir.

Cid walba oo Soomaali ah waxay xaq u leedahay inay Muqdisho ku noolaato , kana shaqaysato, laakiin taladeeda looga dambeeyo qabaa’ilada ‘Aalu-baytka” ee Soomaali oo dhan u taqaan inay degaan ahaan ka soo jeedaan “Gobolka Banaadir”.

Arrinta maamula u samaynta gobolka Banaadir waxay imaan kartaa oo keliya, marka ay dawlada Federaalka ku guulaysato inay soo celiso hantida la dhacay iyo dhulka xooga lagu haysto.

Marka taas ay dhacdo ayaa madaxweynaha dalka, Farmaajo, laga doonayaa inuu iclaamiyo waqtiga uu furmayo shirka maamul u samaynta gobolka Banaadir, Qabaa’ilada ka qayb galaya ee xaqa u leh ee dega gobolka Banaadir.

Haddii shirka maamul u samaynta Gobolka Banaadiri laga soo qayb galin waayo beelaha Mareexaan, Leelkase, Majeerteen iwm ma garanaayo sida ay suurta gal ku tahay in Habar-gidir oo ka soo jeeda gobolada dhexe ka soo qayb gasho shirka oo wax ka dhisto maamulka gobolka Banaadir.

Habar-gidir waxay ku doodaysaa maatadaan la joogo inay yihiin qabiil-ka koowaad ama labaad ee ugu tiro badan magaalada muqdisho.

Wixi ka horeeyey sanadki 1991, xaafadaha Kaasa-bobolaare, Taleex, Number Afar ,Number Shan, Saybiyaana Shiirkole Ofi-shaale, Dharkanleey, Waaberi, Xamar Jab jab, Baar ubax, Miisaanka dhuxusha iyo kor waxaa deganaa oo ku badnaa “DAAROOD”.

Maanta dhulkaa aan kor ku soo sheegay waxaa buux-dhaafiyey dadkii gobolada dhexe iyo Mudug Caydiid oga soo gacan haatiyey.

Haddii dadkaa shalay-maanta Xamar yimid ama raad-kooda qoyan yahay loo ogolaada inay maqaamka magaalada Muqdisho wax ka soo dhisaan, Ma garanayo

sababta keentay in “DAAROOD, RAXAN-WEYNE, JAREER-WEYN, GAALJECEL” oo laba boqol oo sano ka hor soo degay gobolka Banaadir, kagana badnaa Habar-gidir intaan dawladii dhexe dhicin loogu diido inay wax ka soo dhisaan maqaamka Xamar.

Mise sheekad Habar-gidir wadataa ah“ QORIGA AAN HAYSANO AYAAN KU KASBANAY INAAN DADKA DEGAANKA KA MID NOQONO.

Maanta, waqtigaan xaadirka ah dulmiga wuxuu ku dambeeyaa Magaalada Marka, Numbar 50, Afgooye, Lafoole, ceelasha biyaha iyo Koofurta Muqdisho oo Soomaali dhan daganayd, Beesha Daarood-ba ha ugu badnaadaan, oo xaaraan lagu haysto.

Kismaayo anukaa haysana! Baladweyne anukaa haysana! Baydhaba anukaa haysana! Baraawe anukaa haysana! Qoryooleey anukaa haysana! Janaale anuka haysana!

Waxaan u maleenayaa inaad la wada socotaan halkay ku dambaysay Khiyaaligi Anukaa haysana. Dulmi waa dhamaanayaa, mar ay noqotaba. Shabeelaha Hoose iyo Koofurta Muqdisho dulmiga waa ka suulaayaa, Insha’alah.

Waa waajib in Gobolka Banaadir maamul madax banaan loo sameeyo, oo matalaya dadka ama qabaa’ilada “Aaalu-baytka” ee degaan ahaan ku abtirsada.

Waa waajib in kuwa fidnada wada ay ka waan toobaan. Iyaga ayeey maslaxo ugu jirtaa.

Qore Harin Axmed
Fiiro gaara: Aragtida maqaalka, qoraha ayeey u gaar tahay.