MAQAAL: HADAL QABIGA XAAF “ GALMUDUG BAIDHABO MA AHA” MA SAXBAA?

Madaxwaynaha Gal-mudug Mudane ahmed Gele Xaaf, arimaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug wuxuu markasta ku hadal qabsadaa “ Baydhabo ma aha Galmudug”

Hadaba aan kuu xog waramo, Mudane Xaaf:

Ka dib markii dowlada Federaalka ay si toos ah u soo faragelisay doorashadii Southwest State of Somalia, waxay taasi taabatay dareenkii shacabka reer Konfur Galbeed dibada iyo gudahaba, waxayna abuurtay in dadkii ay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda tasoo ciidankii Ethopiaanka iyo kuwii maamulkoodaba ay dadkii xabada ku fureen, waxaana meesha ku naf waayeen ilaa labaataan qof oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Arinta Baydhabo ka dhacday waxaa shaqada ku waayay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, arinta Baydhabo waxay noqotay mid aduunka iyo Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ilaa hada looga hadlaayo, waxaa kaloo arinkaas ku ceeboobay Dowladda Soomaaliya iyo Ciidankii Amison oo ilaa hada dood ka socoto xasuuqii ay geeysteen ciidankii nabad Ilaalinta dalka loo keenay, waxaan kaloo lacagtii laga jiray boliiska Southwest uu Yurubta siin jirtay ka dib markii lagu helay xad-Gudub xuquuqul insaan.

Rabahadii Ka dib maxaa dhacay?.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada dibada iyo gudahaba waxay ku guuleeysteen inay joojiyaan dagaal ka dhaco Baidhabo, anagoo og In meesha ay joogaan ciidanka ugu xooga badan ee Ethopia, waxaa kaloo jira in degmooyinka baidhabo u dhaw dhaw ay wada joogaan ciidankii Alshabaab oo aan dibada looga bixi karin.

Arimahaas markaan dhankasta ka eegnay waxaan shacabka kula talinay inaysan haboonayn In dagaal la galo waayo magaalada burbureeysa waa magaaladoodi, waxaan ku guuleeysanay inaan joojino dagaal ka dhaca Baidhabo, mahadaas waxaa leh shacabka oo runtii taladeena qaatay.

Mudane Xaaf Baidhabo waxa ka dhacay Galmudug kama dhicin, wax badan baa kaa qaldan oo runtii ma ogid dhabta meesha taal, waxaan kaloo ku xasuusinayaa In dagaal uu ka dhacay BuurHakaba oo ciidankii Ethopiaka soo gaaray dhib badan u soo gaaray tasoo lala xariiribaayo arinta Baidhabo ka dhacday.

Adeer reer mudugnimada iska dhaaf ee arinka Baidhabo waxka baro. Falis Farah fadlan arinkaan baidhabo wax badan bayka baran karaan Galmudug si meesha uusan dagaal uga dhicin.

Mahadsanid Mudane Madaxwayne.

W/Q: Sheikhnor Abucar Qassim

Let’s block ads! (Why?)