MAQAAL: DAGAALKII BARAFISOORADA OO SOOMAALIYA KA CURTAY!

Soomaaliya waxay soo martay dagaaladii jabhadaha iyo dawladda, waxaa xigay dagaaladii jabhadaha, waxaa xigay dagaaladii qabiilada, waxaa xigay dagaaladii urur diimeedyada, waxaa xigay dagaaladii maamul goboleedyada; haatan waxay mareysaa dagaaladii Barafisoorada.

Barafisoor tolkii kama janno tago. Barafisoor Axmed Ismaaciil Samatar oo booqday ciidamada Soomaalilaan ee ku sugan Tukaraq si uu u dhiirageliyo. Lama yaabayo Barafisoor Samatar oo dhanka kalaba Barafisoor baa ciidanka hoggaaminaya, waxaan dhihi lahaa labada Barafisoor ciidamada labada dhinac haloo kala dhiibo, bal aan eegno meesheey ku danbeyso.
Toloow maxaa xigi doona, dagaalkii ganacsatada? Midkii ardayda? Midkii xaawalayda?

Abdicasis Arab

Aqoonyahan Dr Ebiy Axmed ahna Raysawasaaraha dalka Ethiopia maanta waxa uu joogaa Asmara, waxuu ka shaqaynayaa nabada iyo iskaashiga Eriteriya iyo Itoobiya. Halka aqoonyahan prof Axmed Ismaaciil Samatar joogo maanta Tukaraq, xoolo na u qalay labada ciidan dhinac! Taariikhdu maanta waa 08.07.2018!

“Illaahay qofkuu xoolo la doono dadkeeduu siiyaa” ayeey dadkii hore odhan jireen! Arad waxaa ugu xun kan dadka kaaga dhaca! #gudgude0.2

Samman Cilmi Shabeele

Let’s block ads! (Why?)