Maqaal aad u Xiiso leh: Afkaaraha Mugdiga ah!

Waa dhammaadkii 2015. Villa Soomaaliya waxay isu keentay hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo wafdiyo ay wataan si looga hadlo kala guurka. Villa Somalia waxay wadataa nidaam qornaa nuxurkiisuna yahay in aan 4.5 laga gudbi karin, Puntland iyo Jubbaland waxay wateen nidaam degmo iyo unkidda Aqalka Sare markii ugu horeysay kaas oo sidoo kale degmo lagu qeybinayo.

Xafiisyada UNSOM waxaa buux dhaafiyay qoraalo ka imaanaya odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka socda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayagoo adkeynaya mowqifka maamul goboleedkooda. Shariif Xasan, madaxa KG oo taageersan 4.5 ayaa Nicholas Kay oo beddel suge ah ayaa sheeko kulamo codsanaya, waxaana la socda guddiga uu u xushay wada hadalka. Dhibka jira ayaa ah, guddiga oo jaakado qurux badan wata, iyo madaxweynahoodaba qoraal mowqifkooda laga aqristo lagana doodo kama horeeyo, sidoo kale ma jiro wax cadaadis oo kooxo ayaga taageersan ka imaanaya, xitaa oday dhaqameed. Waa keligiis. Waa Shariif keligiis oo lugeynaya oo wata dad aan waxba qorin, waxba aqrin oo haddana wasiiro ah, loona xushay in ay dood nooca kala guurka ah ay la galaan maamulada iyo Villa Somalia.

Qaar ka mid ah wafdiga iyo maamulka ayaa ila soo xiriiray igana codsaday in aan la kulmo, waa dad aan heyn aragti, ku faraxsan hotelkaas ay deggan yihiin, waxayna af ku difaacayaan 4.5, sababtoo ah madaxweynahooda ayaa taageersan. Haddii bedel kale keenna la yiraahdo ma hayaan. 4.5 faa’ido gaar ah kuma qabaan oo aysan maamulada kale ku qabin, balse ayaga afkaar kale ayay wataan! KG waxba ma wadato, 4.5 keliya ayaan difaacaynaa ayadaa noo wannaagsan. Waxaan weydiiyay,

“Haddii 4.5 wax dadkiina iyo Soomaali uga manfac badan aadan ogeyn, weligeed ma jiraysee maxaad sameyn doontaan”.

Waxaan aaday Baydhabo, halkaas waxaan ku arkay rag kale oo wasiiro sheeganaya balse dhammaantood sugaya maalinta uu madaxweynaha imaan doonno. Waa dad aan weligooda iskool dhigan, shaqo micno leh aanan qaban, noloshoodana ku tiirsan tahay wuxuu Shariif siiyo.

Markaas waxaa Nicholas Kay beddelay Michael Keating, wasaaradda warfaafinta KG oo u hambalyaynaysa ergayga cusub ayaa wasiirka Facebook ku soo qoray:

“Hambalyo mikil kiting”, markaan u sheegay in uu saxo magaca, Michael Keating qoro, wuxuu ii sheegay in ay isku mid yihiin.

Waxaa howl iga codsaday nin wasiir ah oo ii sheegay in ay wasaaraddiisa markaan hab maamul leedahay, qarash badanna kaga baxay. Wuxuu email iigu soo diray dikumiintiyada uu sheegayo. Markaan eegay dhammaantooda waxaa saaran loogada “Puntland”. Markaan u sheegay in waxa laga iibsaday ay sidaas yihiin aad buu ula yaabay, anigana asagaan la yaabay oo intaas fahmi waayay.

Keliya ma aha raggaan, waa dhammaan ragga la shaqeeya. Mid ka mid ah wasiiradiisa ugu magaca dheer oo Seychelles shir kaga qeyb galay ayaa mar aan Baydhabo joogay sheegay in “badda KG uu soo difaacay”.

Shariif Xasan waxaa November, 2014 looga dhigay madaxweyne KMG KG, 4 sanno waxaa uga dhimman 3 bilood. Marka la weydiiyay maxaad qabatay, wuxuu sheegay in uu “Madaxtooyo sar ah” dhisay, halka markii hore geedaha hoostood lagu shiri jiray.

Wuxuu ilaabay in shaqada 4 sanno ay ahayd in uu dowladnimo, sharciyo, gundhigga maamul suuban uu dhiso, taas oo ka raqiisan dhisidda daaro. Dhisidda dowladnimose uma baahna fuundiyo, ee waxay u baahan tahay in uu howl geliyo dad aqoon, faham iyo aragti leh, oo aan asagana biil ka sugeyn oo ka madax bannaan dhaqaale ahaan.

Shariif Xasan, bulshada uu ka soo jeedo waxay siiyeen fursado badan oo hoggaamin ah. Hoggaamiyaha waxaa raadkiisa lagu ogaadaa dadka uu soo saaro. Sheekh Shariif waa mas’uulka soo saaray Farmaajo iyo dad badan oo siyaasadda Soomaaliya hormuud ka ah. Shariif Xasan qof aan ka liidan wax uma dhiibto, xiddig Soomaaliyeedna ma soo saarin inta uu dowladda dhexe joogay awoodna uu lahaa.

KG waxaa jooga dad wax-tar u leh Soomaaliya oo dhan, laakiin waxaa hor istaagay Shariif Xasan oo juhalo soo uruursaday, oo ka baqaya in ay afkaartiisa ay ka hor yimaanayaan.

Soomaaliya si ay uga gudubto marxalladdaan waxay u baahan tahay dad afkaar leh, ka nadiif ah laaluush iyo maamul xumo. Gobolka ugu nugul Soomaaliya waa KG, uguna baahi badan dadkiisa waxtarka leh. Ma u malaynayo in la helayo dadkaas inta uu Shariif joogo, waa halis qaran iyo mid gobol, ma laha qaddiyad dhaafsiisan jeebkiisa iyo jagadiisa. Kama tarjumo himilada dhalinta iyo Soomaaliyada mustaqbalka!

Wafdi ka socdo wasaaradda Dastuurka Federaalka oo ay wasiirka iyo agaasimaga guud ugu horeeyaan ayaan Baydhabo ku arkay 2017. Waxay ii sheegeen in marka ay la kulmaan mas’uuliyiinta Puntland, Jubbaland, Banadir iyo Galmudug su’aalo aragtidooda beddela raaxada looga qaado, halka KG marka ay tagaan ay macalimiin u noqdaan dad mas’uuliyad sheeganaya oo aan haddana waxba ogeyn.

Ayadoo uu Sheekh Shariif ka saaray saaxadda 2012, shacabka Baydhabana ay diideen, waxaan 2014 amar madaxtooyo ku soo celiyay Md Xasan Sheekh Maxamuud, oo danno gaaban uu lahaa waxyeello daran ugu geystay shacabka KG.

2017 markaan Baydhabo tagay, waxaan arkay dadkii 2015 aan jahliga uga yaabay, oo xoolo helay, midba beeshiisa la shiraya, macluumaad qaldanna ka faafinaya dad ay is leeyihiin waxay wataan hub aqooneed iyo macluumaad.

Haddii Shariif Xasan uu ku soo noqdo doorasho caadi ah, ha joogo intuu doonno laakiin wuxuu isku dayayaa wax is daba marin.

Waa mid ka mid ah waxyaabaha lagu qiimeyn doonno md Farmaajo haddii uu ogolaado Shariif Xasan in uu ku soo noqdo waddo aan sax ahayn.

Dadbaa i dhahaya, “waa ninka keliya ee Hawiye iyo Darood iska dhicin kara”. Jawaabtayda waxay tahay, “Hawiye iyo Daarood cadaw ma aha oo iska dhicintooda u baahan in Shariif la doorta. Hawiye iyo Daarood waxaa iska dhicinaya qofka ka qeyb qaata dadaalka dawo siinta gabadhooda xanuunsan, shaqo siinta dhalintooda jaamacadaha ka baxday, ka amaangeliya qaraxyada, una dhisa dowlad casri ah”.

Hassan Adam Hosow

Let’s block ads! (Why?)