Magaca Iyo Sawirka Soomaaligii Ka Dambeeyey Weerarkii Edmonton oo La Soo Bandhigay

Soomaali qaxooti ku ahaa Canada ayaa lagu oogay dacwad ah in uu geystay shan fal dembiyeed oo uu ka mid yahay isku day dil.

Ninka ayaa lala xiriirinayaa weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta kaaso loo adeegsaday gaari dad ka jiirsiiyey iyo Toorey.

Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 sano jir ah, wuxuu sidoo kale wajahayaa in si halis ah uu gaari u kexeeyay iyo in uu hub haystay.

Shan qof, oo uu ka mid yahay askeri boolis ah oo shaqo ku jiray, ayaa ku dhaawacmay weerarkan.

Maamulka ayaa sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu sidoo kale wajahayo dacwado la xiriira argagixisanimo. Cabdullahi ayaa la sheegay in booliska ay ku ogaayeen ‘fikradaha xagjirnimo ee uu aaminsan yahay.

Calanka ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa laga helay gudaha gaariga loo adeegsaday weerarka lagu dhaawacay askeriga.

Sabtidii, darawalka weerarka qaaday ayaa gaari ku dhuftay askeri lagu magacaabao Michael Chernyk. Ka dib ninka wuxuu middi ku duray askeriga wuuna baxsaday.

Askarta ayaa markaa ka dib, guri ka soo saaray gaari, waxayna ogaadeen in qofka guriga kireystay iyo midka weeraray askeriga ay isku mid yihiin.

Gaari kale ayuu ku baxsaday, booliska ayaana ceysaday. Afar qof oo shacab ah ayuu gaariga ku dhuftay xilligii is ceyrsiga.

Booliska ayaa dhammaan arrimahaas ku tilmaamay kuwo si ula kac ah uu u sameeyay, iyadoo Laba qof oo shacab ah oo dhaawacantay ay weli cisbitaal ku jira, mid ka mid ahna xaalad xun ayuu ku jiraa.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay mid ‘argagixiso’, wuxuuna sheegay in uu aad uga walaacsan yahay, kana xanaaqay ficilka xadgudubka ah ee aan dareenka lahayn.

Let’s block ads! (Why?)