Madaxweyne Xaaf oo hadal lala yaabay ka sheegay Gaalkacyo kaddibna Shuruud hor dhigay DFS (Dhageyso)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo xilli uu ka yimid magaalada Garowe kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxaa dadka ku dhaqan magaaladaasi Gaalkacyo waxay la yaabeen hadal uu ka sheegay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Hadalkaasi oo ku saabsanaa kulan gaar ah oo magaalada Garowe ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxdweynayaasha dowlad goboleedyada, isagoona si kastan ah u yiri “Anaga maamulka yaga wuu joojiyay xabaddii aan ku rideynay Dowladda Federaalka”.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iyo xubno ku dhow dhow madaxda maamul goboleedyada ayaa iyagu siyaabo kala duwan u fasiray hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Xaaf, iyagoona qaarkood ku tilmaamay inuu ahaa kaftan siyaasadeed uu odayga tuuranayay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa wareysi dhinacyo badan waxa uu siiyay idaacadda VOA-da, kaasi oo si dhameystiran uga hadlay mabda’ ahaan heshiis dhex mara Dowladda iyo maamul goboleedyada isla markaana lagu dhameyn karo khilaafka in muddo ah u dhaxeeyay.

“Golaha iskaashiga wuu jirayaa, waxaana rajeynayaa inuu noqdo iskaashi dowladda federaalka ogoshahay inuu noqdo” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo shuruud uga dhigay in heshiiska uu dhacayo marka la isku afgarto arrimaha keenay khilaafka.


Let’s block ads! (Why?)