Madaxweyne Waare oo Jowhar Gaaray iyo kulamo Halkaas ka Socda

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si deg-deg ah ugu laabtay caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii xalay  qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay mooshin xil ka qaadis ah ka  gudbiyeen.

Wafdiga la socday Madaxweyne Waare ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Wasiiro,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaan ka mid ahayn  madaxdii  ka qeybgashay soo dhoweynta wafdiga  Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare balse guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweyne Waare ayaa horaantii bishii hore ka ambabaxay magaalada Jowhar isagoo ka qeybgalayay shirka madaxda dowlad goboleedyada ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waare ayaa lagu waday in uu maanta u ambabaxo magaalada Nairobi iyadoo halkaasi ay madaxda dowlad goboleedyada ay shir  ku yeelan lahaayeen.

Ma jirto illaa iyo haatan waxa war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha dowlad  goboleedka Hirshabelle  ee ku aadan mooshinka laga gudbiyay, hase yeeshee waxaa lagu wadaa in uu goordhow warbaahinta uu  kula hadlo xarunta Madaxtooyada magaalada Jowhar.

Inkabadan konton xildhibaan ayaa mooshin xil ka qaadis ah u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle  waana markii labaad ee xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ka gudbiyaan Madaxweynaha Hirshabelle.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle kalsoonida kala noqdeen waxayna si aqlabliyad leh u doorteen Maxamed Cabdi Waare

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/252617150440 

 

Email [email protected] 

TELL:252617678096

Let’s block ads! (Why?)