Madaxweyne Waare oo golahiisa wasiirada kala hadlay xaaladda Beledweyne

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiirada Hirshabelle,iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaadda Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,

Sidoo kale Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgelinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .

“Waxaan qorsheynay in mashaariic horumarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka .

In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada,si aan uga badbaadino biyaha baxa wabigaasi shabeelle uu kawada .

Let’s block ads! (Why?)