Madaxweynaha Filibiin oo ku Hanjabay in Dalkiisu ka Baxayo Qaramada Midoobay

LONDON(GUBTA.COM) Madaxweynaha dalka Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay in dalkiisu ka bixi doono Qaramada Midoobay.

Arintan ayaa timid ka dib markii QM ay dhaleeceeyn u jeedisay qaabka dowlada Filibiin ay ula dagaalanto kooxaha ka ganacsada daroogada.

Waxaa uu ku eedeeyey QM inay ku guuldaraysatay wax ka qabashada argagixisada, gaajada iyo soo afjarida colaadaha ka taagan caalamka, wuxuuna xusay in meelaha qaar ay xaalada uga dartay.

Rodrigo Duterte ayaa hadalkan ka sheegay mar uu khudbad ka jeedinayey magaalada Davao ee koonfurta dalkaas.

“Waxaan ka fiirsaneynaa inaynu go’aansano ka bixitaanka Qaramada Midoobay” ayuu yiri madaxweynaha Filibiin oo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay aflagaadeynayso la dagaalanka daroogada.

Duterte ayaa ku sii daray markii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay joogtay Filibiin inaysan waxba qaban marka laga reebo dhaleecayn, weligoodna ay sidaa ahaayeen.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowlada Filibiin inay dib uga laabato sharciga adag ee ay kula macaamisho dadka lagu tuhmo ka ganacsiga daroogada, waxayna dhaliil xoogan u jeedisay habka loo maxkamadeeyo dadka ka ganacsiga daroogada lagu soo qabto.

Xukuumada Manila ayaa xukun dil ah ku fulisay qiyaastii 600 oo qof iyo intii uu xilka qabtay Duterte bishii Jun ee sanadkan kuwaasoo lagu eedeeyey ka ganacsiga daroogada, Booliska ayuu awood u siiyey inay toogtaan kuwa ku lugta leh daroogada.