Madaxwetnaha Turkiga,Erdogan, oo Ka Shifay Lugooyada Reer Galbeedka

LONDON (Gubta.com) Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayyip Erdogan, ayaa ka shifay Lugooyada Reer Galbeedka.

Recep Dayyip Erdogan, waxa uu sheegay in wax badan uu daraaseeyay sida ay u shaqeeyan reer galbeedka waxa uuna cadeeyay inay yihiin keliya kuwo ka shaqeeya Qaraxyada argagixisada iyo Afganbinta dowladaha Islaamka.

Recep Dayyip Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu madaxtooyada kula qaatay hantiilayaal maalgashta Turkiga oo heer caalami ah.  Waxa uu talaabo aad u liidata ku sheegay talaabooyin ka dhan ah Turkiga oo reer galbeedku ku dhaqaaqeen afgambigii dhicisoobay kadib.

Kulanka waxa uu ka sheegay inuu aad ula yaabay markii Germalku diiday in madaxweynuhu muuqaal toos ugu khudbadeeyo kumanaan Turki ah oo isugu soo baxay fagaare ku yaalla Magaalada Cologne.

Erdogan waxa uu sidoo kale, tusaale usoo qaatay in sanadkii 2011 Germalku isla magaalada Cologne u ogolaatay in sarkaal sare oo ka tirsan ururka PKK muuqaal toos ah kula hadlo taageerayaasha ururka PKK, waxa uuna taasi ku tilmaamay inay tahay dabin u taala reer galbeedka.

Erdogan waxa uu sidoo kale, tusaale usoo qaatay qoraal lagu daabacay  shaashadaha laga daawado Garoonka diyaaradaha Vienna ee dalka Austria oo lagu qoray (Do not go Turkey You will be supporting Erdogan).

Erdogan waxa uu sheegay in dowladaha Reer galbeedka aysan ka shaqeyn maslaxadooda balse ay yihiin kuwo taageera argagixisada iyo afganbiyada ka dhacay wadamada Islaamka.  Dhanka kale, Erdogan waxa uu shacabka  Turkiga uga digay in walaal ay u qaatan waxa uu ugu yeeray Cadowga islaamka iyo kan Turkiga.