Madaxaweynaha Kenya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii dhismaha Dusit D2.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la soo afjaray weerakii ka dhacay magaalada Nairobi, dhamaan dagaallameyaashii weerarka soo qaadayna la dilay.

Dableey hubeysan ayaa waxa ay shalay weerar ku qaadeen dhisme ganacsi oo ku yaalla degmada Westlands, oo ku taalla magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 14 qof.

Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in weeraka la soo afjaray sacaado uun ka dib markii uu biloowday, balse saaka aroortii ayaa mar labaad waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo.

Ururka Al-shabab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Wali ma cadda tirada saxda ah ee dableyda soo weertay Hoteelka DusitD2.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad toos ah ka jeediyay telefishinnada maxalliga ah ayaa sheegay in 14 qof la dilay balse 700 oo qof oo kalena laga soo samata bixiyay dhismaha.

Balse hay’adda Laanqeyrta Cas ee kenya ayaa tirada dhimashada ku sheegtay iney gaareyso 24 ruux.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa muwaadin Mareykan ah sida ay sheegtay dawadda Mareeykanka.

Sidoo kale waxaa xarunta la dhigo maydadka ee Chiromo ee ku taalla magaalada Nairobi jooga dad badan oo raadinayo qarabadooda ama ehelkooda maqan xilli galbeedka Nairobi uu ka dhacay weerar ay ku dhinteen 14 qof, sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Meydadka dadkii ku dhintay weerarka ayaa waxaa la geeyay xarunta Chiromo halkaas oo ay laga raadinayo.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ahaa dad Soomaali ah.

Xigasho: BBC Somali

Let’s block ads! (Why?)