Madaafiic ku soo dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho oo sababay Dhimasho & Dhaawac ka dhashay.

Waxaa magaalada Muqdisho goor dhow ku soo dhacay tiro Hoobiyaal ah, agagaarka Garoonka kubada cagta ee Stadiom Muqdisho, iyo Xaafadaha ku dhow iyo Isgoyska Baar Ayaan.

Madaafiicdaan ayaa la sheegay inay tiradeeda ahayd ilaa 10 Hoobiye, waxayna hoobiyaashaan sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 6 qof, waxaana sidoo kale uu dhawaac ka soo gaaray tiro intaasi ka badan.

Dhanka kale dadka ku dhaqan deegaanada ay madaafiicdu ku soo dhacday ayaa sheegay in madaafiicdaasi laga soo tuuray dhanka iyo Wadada Warshadaha, sidoo kale weli kama aysan hadlin laamaha ammaanka Madaafiicdaasi iyo weliba kooxihii ka dambeeyay ee soo riday.

Let’s block ads! (Why?)