Maamulka Galmudug oo Wacad ku maray inuu dagaal la geli doono Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Amaanka deeganadda Maamulkaas, iyo dagaalka Xarakadda al-shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Saadaq Shiikh Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in amniga Deeganadda Maamulkaas uu yahay mid la isku haleyn karo.

Waxa uu sheegay in ciidamadda amaanka Galmudug heegan la galiyay,islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaalka Al-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Saadaq Shiikh Yuusuf ayaa sheegay in ay ka warqabaan in shabaab ay ku sugan yihiin Koonfurta Magaaladda Dhuusa-mareeb, islamarkaana ay weerar ku qaadi doonaan.

Let’s block ads! (Why?)