Maalinta AIDS-ka adduunka oo Muqdisho laga xusay

Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka oo 1-da December 2018 ayaa lagu qabtay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho, taasoo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan ee dowladda, xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday haya’daha Caalamiga ah ee ka howlgala Dalka iyo Gudiga ka hortagga Xanuunka HIV ee Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya SCAC, Culummo, Dhallinyaro, Haween, dadka la nool HIV/ADIS-ka iyo marti-Sharaf kale.

Munaasabadda oo ay si Wadajir u soo qaban-qaabiyeen guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC, iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin ka jeediyay guddoomiyaha guddiga SCAC, Axmed Maxamed Jimcaale isagoo si faahfaahsan ugu warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay iyo caqabadihii ka hor-yimid, isagoo sheegey in dadka la nool xannuunka HIV ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah,

“Halku dhiga Sannadkaan waa Ogow Xaaaladda Xanuunka HIV sidaa darteed waxaan dajiyay qorashaal aan ku doonayno in wax loo qabto dadka la nool xanuunkan qorshahaas oo uu ku sheegay inuu yahay in ay Dhamaato Faquuqa lagu hayo Dadka la nool Xanuunka HIV wuxuuna si gaar ah uga Codsadey Dowlada in ay dadkaas il gaar ah ku eegto

Waxaa kaloo Munaasbadaas ka Hadley Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Mudane Cabdulaahi Xaashi waxaana uu yiri “Waa ayaandaro in Xarun lagu daweeyo dadka la nool Xanuunada TB iyo HIV in inta Katarabiler loo soo qaato la burburiyo iyadoo la fiirinayo Dano gaar ahaaneed sidaa darteed waa in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto.”

Xafladda waxaa kaloo ka Hadley xubno ka socdey Dadka la nool Xanuunkaas waxay sheegeen in dowlada federaalka Soomaaliya aysan meel-marin ballan-qaadyo ay hore u sameysay oo ah in la caawiyo dadka la nool xannuunkan, wuxuuna si gaar baaq ugu jeediyeen ganacstada Shirkadaha, Hay’adaha Samafalka Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay garab-is-taagaan dadkaas.

Madaxa Agaasinka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya qaybteeda Xanuunka HIV/AIDS-ka, Sacdiya Cabdisamad oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa waxay ballan-qaaday in wax laga qaban doono cabashada ka soo yeertey dadka la nool xannuunkaas, gaar ahaan sidii loo daryeeli lahaa.

Sanator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ah oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri; “Weli horumarku waa mid gaabis ah, waxaa loo baahan yahay in Dowlada Federaalka iyo Hayadaha Samafalka ay ka qayb-qaadato sidii gaabiskaas loo dhameystiri lahaa si dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka si ay u helaan daryeel guud maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul bulshada.”

Gunaanadkii waxaa kulanka ka hadashay Wasiirada Caafimaadka yo Daryeelka Bulshada Drs Fowsiyo Abiikar Nuur waxay u mahad-celisay intii isku soo dubaridday Munaasabaddaan, gaar ahaan waxay u mahad-celisey guddiga ka hortagga HIV/AIDS SCAC oo ay sheegtay inay qabteen hawl muhiim ah.

“Dhawaan waxaa kulan yeeshey Dalladda Dadka la nool Xanuunka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxayna isla meel dhigeen sidii loo caawin lahaa dadka la nool xanuunka sidaa darteed Kulankaas wasaarada aad bay u soo dhaweyneysaa maadaama ay iyadu lahayd is araga labada Dhinaca“.

Let’s block ads! (Why?)