Ma taqaanaa Gorbachev Somali ah ?

Midawgii Sufyeeti, waxaa la asaasay Sanadkii 1922 waxa uuna jiray illaa 1991,Waxa uu la ekaa 1/6 (Lix ka meel meel Biriga Aduunka oo dhan). Qiyaas ahaana Wadamada Waqooyiga Qaaradda Amerika oo dhan, waxa uu ka koobnaa 15 Dowlad Gobaleed oo Rassia ey aheed mid ka mid ah, USSR.

Mudadaa waxa uu soo maray 7 Madaxweyne: 1) Vladimir Lenin oo xakumayay 2 Sanno. 2) Joseph Stalin 29 Sanno. 3) Nikita Khrushchev 11 Sanno. 4) Leonid Brezhnev 18 Sanno. 5) Yuri Andropov 2 Sanno. 6) Konstantin Chernenko 1 Sanno. 7) Mikhail Gorbachev 6 Sanno.

Waxaa Abuurmay Labo Quwadood oo Aduunka kala qeybsaday, NATO & WARSO oo ey kala hogaaminayeen Mareykanka iyo Midowgii Sufyeeti.

Waxaa la Fekeray in 15 kii Dowladood oo uu ka koobnaa Midawgii Sufyeeti la kala furfuro, bacdamaa aan xoog lagu kala furfuri Karin. Gorbachev oo Asal ahaan la yiraa waxa uu ahaa Yuhuud ayaa noqday Madaxweynihii ugu dambeeyay ee Midawgii Sufyeeti , sababna u noqday in Quwadii weyneyd ee Midawgii Sufyeeti ey noqotay Dal kala burburay, inkasta oo Russia ey reebatay Hubkii & Codkii Veto-ga, welina ey sheeganee in ey u taagan tahay Quwadii Midawgii Burburay.

Ugu horeyn 26 Dec.1991, Estonia ayaa goosatay sida Somali Land. Ukraine ayaa Sidii Punt Land u saan qaaday . Sida Banadir, ayaa Russia oo Ka mid aheyd 15 ka gobal Laakin Caasimadu ku tiil ayaa la hartay wixii ugu muhimsanaa, waxa eyna abuurtay Urur Dhaqaale oo isku xira Dowlad Gobaleedyada, in kasta oo la kala Madax banaanyahay .

Somaliya Malaga yaabaa in loo soo diro Gorbachev Somali ah oo Noqda Madaxweynihii ugu dambeeyay ee Jamhuuriyada Somalia, wixii hore u dhisnaana la kala furfuro, kadibna 18 kii Gobal ee Somaliya midba gooni u istaagto iyaga oo ah Dowlad yar oo aan Awood leheyn.

Waddamadii, Mudawgii Sufyeeti Qorshaha u degay weli waa joogaan Somaaliyana waa u soo Diri karaan Gorbachev Somalia. Hogaamiyayaasha Somalidoow, bal xiaabtama, Mustaqbalka Ummadda aad masuulka ka tahay dhinacya badan ayaa wax loo fiiriyaa ee adinku ha isku mashquulina dhaxdiina. Waa iga talo.

Allow naga badbaadi, Burbur iyo Gorbachev Somalia oo sabab u noqda kala taga.

FG: wixii ka khaldan ka sax, arragtidaada xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)